Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Daily Nation " Ganacsiga Somaalida Ay Ku Maalgaliso Kenya Waa Lacag Madax Furasho Looga helay.......

Monday - March 16, 2009

Naironbi:- Sida la ogyahay Baryahan danbe ayaa Warbaahinta Kenya weerar ku haysa  Soomaalida  ganacsiga lixaadka ku leh wadankan kenya.

Jariidada maalinlaha ah ee Daily Nation ayaa warbixin ay shalay bogga hore ku soo qortay kuna tilmaantey ganacsiga Soomaalida mid maalgalinta ay ka hesha lacagaha laga qaado burcad badeeda Soomaaliyeed madax furashada oga helaan maraakiibta ay qabsadaan iyo ganacsiga daroogada.

Warbixinta oo si gaar ah looga hadlayay ganacsiga buuraha sii fananaya ee dhismaha Soomaalida ay dalkaasi ka waddo, waxaa la soo taxay qiimayoowga dhulalka la kala siisto labbo sanno ka hor iyo hadda, taasoo la sheegey in 100% uu kor u kacay.

Ganacsatada Soomaalida ayaa sheegey in uu jirro qorshe ay saxaafada ku hurineyso oo la doonayo in ganacsiga Soomaalida lagu curyaamiyo...Horey waxay saxaafada Soomaalida ugu eedeyn jirtey arrimaha argagixisada iyo xawilaada lacago sharci darro ah oo ay soo direen dad aanan la aqoonin.