Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Wiilkii Isku Qarxiyey Yeman Oo La Sheegay Inu Tababar Ku Soo Qaatay Dalka Soomaaliya

Tuesday - March 17, 2009


Sana'a 17 Mar 2009 THN
 Sanca-Yeman : Sarkaal Ka tirsan Ciidamda Amaanka ee Yemen ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in nin dhawaan isku qarxiyay meel loo dalxiis tago oo Yemen ku taalla uu ku soo tababartay cariga Soomaaliya, kadibna uu Yemen ku laabtay.

Qaraxaas oo is-miidaamin ahaa waxaa ku geeriyooday Afar Dalxiisayaal ah oo dalka Kuuriya u dhashay, sidoo kalena wuxuu qaraxaas geystay burbur baaxad leh oo soo gaaray goobtii dalxiiska.

Qaraxa ayaa wuxuu yimid ka dib markii ay hoggaamiyayaasha Al-qaacidda ay ku celceliyeen in ay weerari doonaan Dadka aan Muslimka ahayn ee ku sugan Dalalka Carabta.

Sarkaalkan u hadlay Dowladda Yemen wuxuu intaas ku daray in ninka is-qarxiyay lagu magacaabi jiray Abdel Rahman Mehdi al-Aajbari oo tababarkiisa ay ku lug lahaayeen qaacida soomaaliya ka hawlgasha.