Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Wasiirka jaaliyadaha Somaliya Mudane Cabdulaahi A. Azhari Iyo Danjire M. Cali Amerika Oo Booqasho...

Tuesday - March 31, 2009

Ottawa: Waxa maanta magaaladaan Ottawa ee cariga kanada booqasho ku soo gaaray wasiirka jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dawlada TFG " Minister of diaspora and communities abrod of TFG" Mudane Cabdulaahi Axmed Cabdule Azhari oo martiqaad ka helay dawlada kanada... Sida la sheegeyna socdaalkiisa waxay qaadandoonta sadex maalin kadibna u sii gudbidoono magaalada Torona isagoo xaga maylka ku sii tirndoona dhinaca Mareykanka... Wasiika waxaa safarkiisa ku weheliyey xubno iyagana ka tirsan dawlada oo u ka mid yahay danjiraha safaarada Soomaalida ay ku leedahay dalka Keenya Mudane danjire Maxamed Cali Nur America.

Sida warku nagu soo gaaray wasiirka iyo wafdigiisa waxay saaka duhuradi martiqaad loogu sameeyey golaha baarlamaanka federaalka kanada, waxaana xaruntaas ku soo dhaweeyey gudoomiyaha baarlamaanka Mudane Peter Milliken oo qadada kadib faq gaar ah la qaatay wafdigaas iyagoo ka wada hadlay in xiriirka labada dal la sii gaagixiyo oo hawraarsan iyo maamuus dipolomaasi ay bilaabato.