Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Nin Dhintay Isagoo Dawarsanaya Kana Tagay Lacag Boqolaal Malyan Ah

Thursday - April 2, 2009

Riyadh- Saudi Arabia: Dadka ku nool magaalada Jahaar Maxaal Bakhtiyaari ee dalka iiraan ayaa yaabay markii uu Qaadiga la yiraahdo Yusuf Baaqiri idaacada u sheegay in baritaan u muujiyay in ninka la yiraahdo Dalacat Xabiibiyaan oo ah dawarsade aad loo yaqaano oo dhawaan ku geeriyooday magaalada in uu ahaa (Bilyaneer),

Qaadiga Baaqiri oo baaraya faylka ninkaa dawarsan iiray oo dhintay isagoo 70 jir ah, in baaritaankii cadeeyay in ninkaa la oran jiray Xabiibiyaan oo lahaa tobanaan dhisme iyo dhulal wax lagu beero, lacagta u taala baanankana ay ka badnayd boqolaal milyan... wuxuu kaloo haystay alaab badan oo taariikhi ah oo lacagi aanay goyn Karin intaanu dhiman,