Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Nin-ba Tacabkii Talooy Kaa Maal By Abdiraxmaan Jaamac " Abdi-Shotaly"

Thursday - April 2, 2009

Nin qab-weyn iyo niman uba-qabin is qaniina'e hays qadari-yeen, baa hore loo yidhi waa-na ta imika taagan ee fooda is geli-yeen RIYAALE IYO AXMED SIILAANYO, IYO ina CALI-WARAABE oo meel dhexe taagan, mana aha xaajadu  mid ay dembi ku lee-yihiin  sida ay ila tahay aniga, ee waa dhibaato ay abuureen GUURTIDU, inaka  oo ah shicib-kuna aynu gacan siinayno, sababta oo ah inta-ba sacabka baynu u garaacay-naa oo mid kasta waxa aynu lee-nahay ADIGA BAA SAX AH ee halkaas ka sii wad, dabeed waad arag-taan halka ay iska-la fad-kudi-yeen, ee xaalku ku sugan yahay GOONI-ISU-TAAGI aynu is-lahayn tiig-sada, waxay saaka ka sii foorara LAAG, waxay u muuqataa somaliland sawirkii ay lahaa-yeen HASHII IYO NIRIG-TEEDDII, uu waraaba-hu hash-iina CANDHADA GOOSTAY, NIRIG-TIINA FARUUR-YAHA KA CUNAY, ee markii ay is yidhaa-heen is jaqa uu ku qoslay ee yidhi, MURUSH-MARASH MAXAY KU JAQI, MAXAYSE KA JAQI, JABUUTI iyo SOMALIYA saaka wey inoo soo miciyo lisa-nayaan, waxana ay lee-yihiin wax aan soco-nayn way u ekayd ee taloow kiinee bay gacanta u geli doontaa, waxan uga socdaa saw maaha imika wax aan jirin SOMALILAND, marka  ay taagan tahay RIYAALE  oo leh SAMADA haysku shareeto, iyo SIILAANYO oo isna yidhi mid-keena ku lisan maayo, iyo INAKA oo riwaayad u haysana.
 
* MR RIYAALE waxan odhan lahaa, sida aad u socotaa, waa qaab-kii QORI-DAAD-WATO, oo waad sabay-naysaa, kuwa ku yidhi wax wal-ba anaka buu saxeex suulka kuu saaray-naana, oo cid kale uma baahnid, kuwo wax hagaaji-naaya maaha ee waa HUNGURI-DHABAQ dan-tooda uun ilaash-naaya ee aan wax-ba ka gelin wixii dhacaaya, waa-n a kuwa u aaba-ha ah jaho-wareerkan iyo walba-haarkan ku furmay umada, halkani maaha mid aad ka helaysid dhaqan kii afrikaanka  ee kursiga inuu ka dego aanu yeeli jirin marka ay ka dhamaato xili-gii loo doortay, way ku sii waala-yaan inta ku dhiiri-gelinay-saa ee ku leh WADADII CADAYD CAGTA SAARTAY EE KU CARAABI, cid ay ka qarsoon tahay ma jirto la taliya-yaasha kugu xeeran ee cadaabta ku guraaya umada raba-na in uu soo noqdo dagaalkii sokeeye, ogoow meel ku gayn maayaane, mana imanaayo dagaal dambe ee waa adiga ka ku tegi doona bilaa -faataxo, mala ha waxad is tidhi waxoo-gaa urur-sataye isku DHIRBAAX dabeed ka dhaqaa-jiye adiga baa u
dhiman, haddii ay kululaato ee maad ka dayn inta goori-goor tahay.
 
* MR AXMED SIILAANYO, waxan odhan lahaa ha la qasan nin aan u soo dhiman, waxba-na aan ka soo marin, oon shilini u soo cunin, muruqa iyo bawda-da aan uga soo jabin, oo ka dhigan siddii inan yar oo SACABKA BURCAD LOO SAARAY, kolba leefaaya faraha, laakiin aan ogayn halka uu ka yimi, ku tuma-naaya xoolo markii lagu tab-caayey uu ahaa dacawadii laga ilaali-naayey, raga-nimo in yar bay kugu raacdaa, ama kaaga tag-taaye, maanta wuu( riyaale burbur-keeda'e) ugu tala-galay in ay shadaa-faha laabato ee adigu badbaadi, nabsi wuu kuu keeni-doonaa, oo kuwa DEMBIGA kaa galay way isla rogi doontaa, ee ka NOQO GO'AANKA aad gaadhay ,kaas oo ah ma aqoon-sani 06/04/09 madax-weyne, haddii AL-LE yidhaaho waa beri in ta ay ku dareene.
 
*INA CALI-WARAABE, waxan odhan lahaa, maanta sax baad tahay sida ay ila tahay, marka aan kqa hadlaayo badbaa-dinta SOMALILAND, waad saxeex-day go'aankii guurtida ee hore ee ahaa in doora-shadu ku dhacdo 31/05/09, kolba ka hela madaxni-madana uu qabto 01/07/09, laakiin waxa lagu-gu xantaa, intaa aad siddii ruushka marka hore aad is garab taagto SIILAANTO, baad saacada ugu dambaysa kaga baxdaa ood gacan-siisaa xulufada RIYAALE, ee bal arintaas  FAYSAl  dib u eeg oo kolba kii xaq leh raac baan ku odhan lahaa, maanta-na ka dib isugu soo celin karaa ee dhex ka noqon karaa adiga oo ka daacad ah waa adiga ee haka daalin furdaa-minta marxa-ladan geesaha isla gashay.
 
* UMADA REER SOMALILAND-Na waxan odhan lahaa sida aan u soconaa maaha siddii tooska ahayd ee waa waran-waran ka hor-gee, ee xal wax la yidhaaho oo lagu gaadhayaa ma jiro,, waxa wacan in aan wax ka bedel-no, waxa saaka ku qoran warbaa-hinta kuwa sheegta salaadiin iyo cuqaal, wax-garad, isku magacaa-ba il-dheer-garad, oo reer wal-ba leh, beel kasta ku jira, tuulo wal-ba ka soo jeeda, wata magac NABAD-DOON, oo colaad sii shidaaya, lana kala socda, oo leh hadaan nahay beelaha dega meel heblaayo( haw badnaa-deen kuwa togdheer wada degaaye), waan taageer-nay, ama waan ku gacan saydh-nay go'aankii guurtida gaadheen, iyaka oo qolo-na aanay si rasmi ah uga fekerin ee ka tahay isu fiir-sasho ay dhinac xag-jir-nimo u ah ee aanay daacad ka hayn.