Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Dawlada Ingiriiska Ayaa Bixisay 7 Milyan Pound Si Loola Dagaalo Xatooyada Xoolaha Dadweynaha Zambiya

Friday - April 3, 2009

Lusaka- Zambiya: Wadanka Zambia ayaa waxa uu ka mid yahay wadamada Afrikaanka ah ee ay ragaadisey isdhaaf-dhaafinta iyo xatooyada xoolaha dawladda, wararku waxay shaaciyeen wadamada reer-galbeedka, gaar-ahaana wadanka Ingiriisku wuxu mudoba diirada ku hayey sidii wadankaasi Zambiya loola dagaalami lahaa ku-tagrid-falidda xoolaha dadweynaha ee dawladda Zambia, islamarkaana shacabka Zambiya dawladdu ugu adeegi lahayd si cadaalad ah, loona yarayn lahaa faqriga iyo gaajada ku habsatey wadanka.