Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Fadiilat Digtoor Sh. Shuceyb Iyo Baraarujintiisi Jimcaha " Xanaanada Caruurta" Qaybti Labaad

Friday - April 3, 2009

Asalamu Aleykum, Walxamdullilah, Walcaaqibatu Lil Mutaqiin Walaa Cudwaana Ilaa Calaa Dhaalimiin. Waxaan ku bilaabayaa, Magaca Allah weyne iyo Saliga Suubanaha N.N. Korkiisa ha ahaato.


Baraarujinta Jimcahan wuxuu daba socdaa mowduucii ku saabsanaa xanaanada caruurta iyo daryeelka ay u baahan yihiin in ay helaan, waxaana kaga hadlayaa Sumowga Caruurta.

Ilmaha oo sumooba waa arin aad u dhacda, gaar ahaan hadii ilmuhu ay ku nool yihiin bii’ad suntu ku badan tahay, waxey cabi ama cuni karaan dawo guriga taal sida dawada durayga loo qaato, ama madax xanuunka, iyo kuwa cudurada dhiiga ku dhaca ee inta badan aan loo heysan iney dhibaato ka iman karto. Waxa kaloo badan in caruurta ku sumowdo kimikada lagu dhaqo dharka, musqulaha guryaha ama alaabta maacuunta ah, iyo wixii la mid ah.

Sannad walba dalal badan oo aduunka ka tirsan, gaar ahaan waqooyiga Mareykanka, Kanada iyo Yurub, waxa ku geeriyooda caruur fara badan, sababtuna ay tahay sun ay cabeen ama cuneen, kuwaa oo u badan kuwa da’doodu ka yartahay shanta sano, maxaa yeelay da’daasi waa tan ilmuhu dabeecad u leeyihiin iney wixii gacantooda soo gala ku tijaabiyaan Afka.

Lama hayo tirakoob ku saabsan caruurta dhibka kasoo gaara *Sumowga* dalalka aduunka sadexaad oo ay ka mid yihiin kuwa Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, waxa lagu qiyaasaa iney aad uga badan yihiin, kuwa ku nool dalalka horay u maray ee Mareykanka, Yurub, Kanada iyo Japan, dalkeena hooyo waxa usii dheer midaa, waxyeelada caruurta kasoo gaara dhaawaca dagaalka sokeeya ee ka socday mudo 20 sano ku dhow, cudurada ka yimaada macaluusha iyo cudurada faafa ee la'isqaadsiiyo ama la'isugudbiyo. 

Si looga daafaco caruurta khatarta ka iman karta iney sumoobaan, waxa loo baahan yahay in waalidku leeyahay wacyi ama foojignaan caafimaad-qaba iyo dareen joogta ah, si ay uga hortagaan in caruurtooda sumoobaan, sidoo kale waxa lagama maarmaan ah in waalidku garanayo gargaarka deg-dega ah iyo sida wax looga qaban karo markii ilmuhu sumoobaan.

Dawada lagu dhoqo Musqulaha (Suuliga), mida lagu ciribtiro  cayayaanka, ama gaar ahaan wixii Sun ah oo dhan, waa in laga fogeeyo lana dhigo meel aan caruurta gaari karin. Caruurta sunta cunta ama cabta, waxey u badan yihiin caruurta ay dhashay hooyo aan foojigneyn si joogta ahna isha ugu hayn ilmaha dhaqdhaqaaqooda.