Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Hab-Maamuuskii U Yiilay Boqortooyada Ingiriiska Oo Michelle Obama Walaaqday

Friday - April 3, 2009

London:-Haweenayda u qabo M/weynaha dalka Maraykanka Barack Obama ,Michelle iyo Boqoradda dalka Ingiriiska ayaa la sheegay inay jebiyeen hab maamuuska u yaal boqortooyada dalka Ingiriiska.

Michelle Obama oo safarka ku wehelisay odaygeeda oo dhowaan soo gaaray dalka Ingiriiska oo uu kaga qayb galayey shirka wadamada xagga warshadaha horay uga maray ee G20 ayaa khamiistii guud ahaan wafdiyadaani waxay casho sharaf ku lahaayeen aqalka boqortooyada ee la yiraahdo Buckingham Palace,Kolkii ay soo gaareen aqalka Buckingham Palace guud ahaan wufudani oo dal walba gaarkiisa ay u qaabishay boqoradu ayaa xilligii hobsha -hobshayska ama sheekada ayaa waxaa si tartiiba hadalo isu waydaarsaday Michelle Obama iyo boqoradda ,waa isu soo dhowaadeen waxaana ay ka wada hadleen xagga dhererka inta Michelle Obama  ka dheertahay boqoradda dabadeed si aan xeerka boqotooyada u yaala waafaqsanayn ayaa boqoradu gacanteeda saartay dhabarka danbe ee Michelle Obama halka iyana ay garabka gacanta ka saartay.