Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Bakistaan Oo Qabatay Kontaynar Ay Ku Dhex jireen 62 Qof Oo Mayd Ah

Sunday - April 5, 2009

Pakistan:- Warar ayaa shaaciyeen in dad ka badan 100 qof  oo qaxootiya oo u badan reer   afganistaan kuwaas oo loo wadey iney si qarsoodiya isaga gooshaan xuduudaha afganistan, Pakistan iyo iiraan oo ay galaan wadamada Yurub si ay u helaan nolol iyo shaqo-ka wanaagsan tan ay ku noolaayeen, Hasa-yeeshee ugu-yaraan 62 qof ayaa ku dhintey, ka dib markii lagu soo raray baabuurta waaweyn ee qaada xamuulka ee sida container-ka u qafilan, kaasoo ka soo dejiyey containerkaasi Markab ka yimi Afganistaan.