Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Naag Faalisa Ah Oo Boliska Sacuudiga Qabteen

Monday - April 6, 2009

Jidah: Buuliiska Jiddah ayaa qabtay naag falalow ah oo carabiyad ah oo tiri sixirka ayaa isku jeclaysiin karaa raga iyo dumarka...islamarkiina aan isnacsiin karaa, waxa kaloo ay sheegatay in qofka u furi karto arsaaqada oo xoolo badan siin karto iyo waxyaale kale oo aan jiritaan lahayn Ilaahayna dadka ka fogayn kara.

Hadaba boliisku markay maqleen warkaa naagtaa awoodaa faraban sheegatay ayay u direen niman  dhar-cad ah oo hubsada waxa la sheegayo, kadibna markay cadaatay falka ay ku dhex jirto ayaa albaabkii guriga lagu soo jabiyey oo markiiba qabteen iyadoo shaqadii beenta ahayd ku dhex jirta.