Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Bashiir Makhtal Oo La Soo Taagay Maxkamad Ku Taal.....

Tuesday - April 7, 2009

Adisababa : Bashir Makhtal waa wiil uu awoow u yahay mid ka mid ah Aasaa-sayaashii jabahadda ONLF, sidaa darteed waa ay iska caddahay sababta Ethiopian-ku ay u doonayaan, markii ay ka qabteen soohdinta Kenya.

Qoyskiisa iyo saaxibadii waxa ay sheegayaan inuu ahaa nin ganacsade ah, oo ka bacmushtara dharka, waxaana ay sheegeen in uu ku jiray safar ganacsi markii ciidamada Ethiopia ay soo galeen Soomaaliya, oo dabadeed uu isaga baxay isagoo ka fogaanayay in dagaal uu ku qabsado gudaha soomaaliya.

Hadda waxa lagu soo oogay dacwad ah inuu ku lug leeyahay oo uu qeyb ka yahay hoggaanka jabahadda ONLF, oo u tababarsiinaayey dagaalyahano ONLF ah, iyo inuu ku soo hogaaminayay weerarro ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Soomaalida ee Ethiopia.

Dhageysiga dacwaddiisa bishii hore, ayaa waxa ay dacwad oogayaashu ku guuldareysteen inay keenaan wax marqaatiyaal ah, waxaana digniin xaakimku ku bixiyay inay keenaan 20 April, haddii kale ay socon doonto dacwaddu iyaga la'aantood.... Laakiin dhageysi aan horey loo qorsheyn ayaa la qabtay toddobaadkii hore, taasi oo uu codsaday dacwad-oogaha oo markii danbe ka keenay marqaati gobolka Soomaalida ee Addis Ababa.

Qareenka difaacaya Bashiir Makhtal, GebreAmlak GebreGiorgis ayaa BBCda u sheegay in lix marqaati loo keenay inay ku marqaati furaan Bashiir, kuwaasi oo shan ka mid ah bixiyeen caddeymo... laba horey uga tirsanaa guddiga dhexe ee fulinta ee ONLF iyo saddex kale oo xubno horey uga ahaa ONLF.

Qareenku Waxa uu sheegay inay marqaati ka bixiyeen aqoonta ay u leeyihiin Bashiir intii u dhexeysay 1998 ilaa iyo markii la xiray.

Dhageysiga kale ee dacwadda ayaa dhaceysa 20-ka April, markaasi oo xaakimku uu xukumi doono kadib marka la dhageysto dacwadda marqaatiyaashani ay tahay kiis xooggan oo laga jawaabi karo.