Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Kabtankii Markabka Oo Burcadu Doon Yar Ku Dhex Haysato Iyo Wadahadal Socda

Wednesday - April 8, 2009

Washington DC.– Markab laga leeyahay dalka USA ayaa maanta lagu Afduubay meel u dhaw xeebaha Soomaaliya. hasa ahaate Shaqaalihi Markabka ayaa dib ula wareegay markab-koodii markay legdan iyo dagaal la galeen burcadda.... Burcaddu waxay markaa kaxaysteen Kabtankii Markabka oo la yiraahdo Capt. Shane Murphy Iyagoo ku qaatay dooni yar oo kuwa badbaadada ah oo markabka weyn saarnayd.

Shaqaalaha oo gaaraya illaa 20 ruux ayaa dhammaantood ah dad u dhashay Maraykan,Waxaana nin iyaga ka tirsan oo saaran markabka dushiisa uu khadka telefonka ugu sheegay telefishanka CNN in ay wada hadal u socdaan iyaga iyo burcad-badeedda haysta kabtankooda. Iyagoo kula hadlaya qalabka gacanta lagu qaaddo ee kabtanku sitay.