Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Mareykanka Oo Ka Cabsi Qaba In Magaalooyinkiisa Ay Isku Dhex Yaacaan Sabab Virus Uga Yimaada.......

Friday - April 10, 2009

Washigton DC- Waxa beryahan dambe soo badanaya hirdanka dagaalka qabow ee aan tooska ahayn ee u dhaxeeya wadamada xaga teknoolajiyadda ka horumarey ee Maraykanka, China, iyo Ruushka...Wadanka Ruushka oo si xawliya ugala jira tartan gaashaanbuurta wadamada isu-tegey ee Nato, kasoo aan marna jecleysan wadamadii midowga Sovieti ee kala googay inaaney ku biirin Nato... Wadanka China-ha oo si layaab leh xaga dhaqalaha iyo awoodda ciidankaba kula tartamaya wadanka Maraykanka, taasoo Maraykanku jecelyahay wadanka Chinaha awoodiisa ciidan inuu miisaamo, iyadoo hadana ay jiraan cadaadsiyo guud oo ku salaysan xaga xuquuda bani´aadanka ee wadanka China-ha.

Wargeyska caanka ah ee loo yaqaan "Wall Street Journal"ayaa waxa uu wax ka qorey in Basaasiinta Ruushka iyo Chinaha ay u dhuumaalaysanayaan xogta Maraykanka. 
 
Chinaha ayaa databases-ka Marykanka hawada ka daalacda...Wadamada Ruushka iyo Chinaha ayaa maayado xasaasiya hawada u dira si ay haddii ay u baahdaan xogo-dheeraada ee istiraajiyadda Maraykanka, qalabkooda waxyeeleya ama ka fushada hawl-sireedka ay u baahn yihiin. Waana aqoonta casiriga ee hawada (cyber) ee lagu dagaalamyo taasoo raadeyneysa dagaalka qabow.