Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Fadiilat Al-Digtoor Sh. Shuceyb Iyo Baraarujintiisi Jimcaha " Xadgudbka Caruurta Loo Geysto"

Thursday - April 9, 2009

Asalamu Aleykum, Alxamdullilah, Walcaaqibatu Lil Mutaqiin Walaa Cudwaana Ilaa Cala Dhaalimiin.

Waxaan ku bilaabayaa, Magaca Allah weyne iyo Saliga Suubanaha N.N. Korkiisa ha ahaato. 

Baraarujinta Jimcahan oo la xiriirta mowduucii ku saabsanaa xanaanada caruurta iyo daryeelka ay u baahan yihiin, waxaan wax ka oranayaa Xadgudubka Caruurta loo geysto.

Caruurta oo lagu xadgudbo, waxey ka mid tahay arimaha sida joogtada ah looga maqlo qalabka isgaarsiinta idaacadaha wadamada loo yaqaan reer galbeedka, dalalkaa oo sameystay hey’ado u gaar ah iney fara geliyaan umuuraha qoyska marka ay maqlaan ilmo laguxadgudbay sida" Hey’ada Gargaarka Caruurta" (Children’s Aid), oo sheegata iney ilaaliso xuquuqda ilmaha waalidkood ku xadgudbo. Hey’adaha la midka ah midaan xusay xiriir wadashaqeyn ah waxey la leeyihiin takhaatiirta, booliska iyo kuwa u adeega bulshada (Social Workers).

Takhtarku markuu arko ilmo dhaawac soo gaaray ama gubtay ama sumoobay, waxuu eegaa sababta keentay shilka, haduu ka shakiyo in dhaawacaa gaaray ilmaha waalidku ka dambeeyo degdeg ayuu ugu gudbiyaa booliska si waalidka loogu oogo dacwad ama loo xiro, ilmahana looga wareejiyo. Booliska sidoo kale waxey ilmaha ku wareejiyaan hey’adaha qaata ilmaha hadii waalidku ilmihiisa canaanto ama dilo, midaa oo loo arko in waalidku ilmaha xoriyadda ka qaaday ama si xun ula dhaqmay.

Waxa loo baahan yahay in caruurta lagu dadaalo, xaga caafimaadka iyo xanaanada, si aysan ugu dhicin shilalka ama aysan ugu gelin gacanta dad aan u naxeyn caruurta iyo waalidka midna, ulajeedada qura ay tahay iney kala kaxeeyaan waalidka iyo caruurtooda.

Waxa loo baahan yahay in waalidku noqdaan kuwo feejigan, gaar ahaan hooyada oo loo baahan yahay iney ilmaha had iyo goor isha ku heyso, ilmahana waa in la baraa wixii naftooda khatar ku ah. Sidoo kale hooyadu waa iney barataa oo noqotaa mid taqaan sida loogu gargaaro ilmaha markey sumoobaan, gubtaan ama dhaawacmaan. Waxa lagama maarmaan ah in caruurta la baro diinta islaamka, iyo ixtiraamka labada waalid si loo adkeeyo xiriirka ka dhexeeya caruurta iyo waalidka, midaa oo saldhig u ah in ilmuhu noqdaan kuwo waalidkood jecel oo u dhego nugul.