Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Adeerow Joog kuma Hakado Awr Qooqane... Burcadi Oo Araxda Laga Jabiyey Iyo Cap. Philips Oo Badbaaday

Sunday - April 12, 2009

Ciidamada badda ee dalka Mareykanka kuna sugan xeebaha dheer ee dalka Somalia ayaa xoog ku soo furteen Capt. Richard Phillips oo dalkaasi u dhashay kaasoo muddo gacanta ugu jiray kooxo burcad badeed Soomaali ah.

Capt. Richard Phillips ayaa lagu hayay dooni nooca yar-yari oo ay ku qaraabtaan kooxaha burcad badeedka ah halkaaso ay ku heysteen 4-nin oo ku hubeysan qoryaha fudud gaar ahaan AK-47-ka kuwaasoo kala soo dagay markab Denmark laga leeyahay oo ay saarnaayeen 21-Shaqaale oo Mareykan intooda badan u dhasheen.

Warbaahinada kala duwan ee Mareykanka ayaa qoreen arrintaani gaar ahaan TV-ga CNN ayaa warbixintaan kasoo xigtay Saraakiisha ciidamada badda Mareykanka ee ku sugan xeebaha dalka Somalia iyadoo arrintaan lagu soo furanayay Capt. Richard Phillips ay dhacday habeenimadii xalay saacada Africa Barri marka ay aheyd 7:19 Fiidnimo.

Sida ay sheegeen Sirdoonka Mareykanka Kaptan Richard Philips ayaa la soo bad baadiyay isagoo bad qaba, waxaana la sheegay in Ciidamada Mareykanka ay dileen saddex burcad badeed ah, waxaana la sheegay in Kaptan la gaarsiiyay Markab kuwa dagaalka ah oo uu Mareykanka leeyahay kaasoo ku sugan meel u dhow xeebaha Somalia.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanak oo CNN la hadlay ayaa sheegay inay Telefoon kula hadleen Capt. Richard Phillips isla markaana burcad badeedka ogolaadeen inuu la hadlo kadibna ku amreen in sida ugu dhaqsiyaha badan badda isku tuuro kadibna ay si habeysan u toogteen burcad badeedka doonida saarneed.

Sarkaalka waxuu xusay inay gacanta ku dhigeen mid kamid ahaa burcad badeedka oo magaciisa kusoo gaabiyay Mohamed Abdi kaasoo xiligaan saaran markab nooca dagaalka ah oo Mareykanka leeyahay laguna magacaabo USS Bainbridge.

Howl galka lagu soo furtay Kaptankan oo 53-jir ah ayaa ka dambeeyay kadib markii ay bur bureen wada hadalo u socday Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka iyo Odayaal Soomaali, kuwaasoo isku dayay in la sii daayo Kabtankaas.

Shacab-ka Mareykanka ayaa aad usoo dhaweeyay howl-galkani kaasoo ay ku sheegeen guul Mareykanka usoo hoyatay, iyadoo ay jiraan hanjabaadyo xoogan oo xiligaan kasoo yeereysa kooxaha burcad badeedka kuwaaso qaarkood ku hanjabaya inay dilayaan Shaqaalaha reer galbeedka ah ee gacanta ku hayaan isla markaana gubayaan maraakiibta ay heystaan.

Wasiir K/xigeenka Warfaafinta Puntland Cabdishakuur Mirre Aadan oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan arrintaasi waxuuna sheegay inaysan iyaga laheyn awood ay kula dagaalamaan xiligaan burcad badeedka balse loo baahan yahay in dowlad kasta oo Markab laga qabsado inaysan lacag bixin oo ay xoog kusoo furato.
Wasiir K/xigeenka waxuu Caalamka ugu baaqay in la taageero ciidamada badda Puntland hadii la doonayo sida uu yiri nabad laga helo xeebaha Somalia, isagoo tilmaamay inay soo afjari karayaan howlaha burcad badeedka hadii ciidamada lagu taageero qarash iyo tababar intaba.