Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Obama Oo Ku Hanjabay Inu Qaadi-doono Talabo Lagu Ciribtirayo Burcad-badeeda Isbaarada Dhiganeysa

Monday - April 13, 2009

Washiton- Madaxweyne Obama ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ciidamada Badda Mareykanka ay sii wadayaan howlgalada milateri ee lagu cidhibtirayo kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida Ee Caadeysatay iney Badaha Caalmka dhigtaan isbaarooyin xasiloonidi bada khalkkal galisey. 

Madaxweynaha Mareykanka oo la hadlayay Warbaahinta Caalamka wax yar kadib markii Ciidamada Badda Mareykanka ay soo furteen Kaptanka u dhashay Mareykanka oo la yidhaahdo Richard Philips ayaa u mahad celiyay ciidamada Badda Mareykanka tallaabadii ay ku soo furteen.

Waxa uu sheegay in khatarta Kooxaha budhcad badeedda Sopomaalida ay saameysay caalamka oo idil, waxaana uu sheegay in ay khalkhal xoogan geliyeen ganacsiga adduunka sida uu yiri Brack Obama.