Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ma Run Baa In Madaxweyne Obama Cudurka Hargabka Ka Soo Qaaday Wadanka Mexico?

Tuesday - April 28, 2009

Washington - Afhayeen u hadalay Aqalka Cad ayaa sheegay inaanay waxba ka Jirin warar suuqa ku jiray maalmihii ugu danbeeyay oo sheegayey in madaxwayne Barack Obama uu cudurka Swine Flu ka soo qaaday Wadanka Mexico xili uu halkaasi booqasho ku tagay iyadoo saxaafada wadanka Maraykanka ay suaalo ku aadan in Madaxwayne Obama uu qabo cudurka Swine Flu iyo In kale ay ku bateen masuuliyiinta wadanka Maraykanka xiliyada ay waraysiyada la yeelanayaan.

Afayeenka Aqalka Cad ee Wadanka Maraykanka Robert Gibbs ayaa sheegay in aanay jirin xiligan wax caqabad ku ah caafimaadka Madaxwayne Obama islamarkaana aanu qabin cudurka loo yaqaan hargabka doofaarka.

Arinta muranka dhalisay ee ku aadan Caafimaadka Obama ayaa iyadu ah tan ugu hadal hayska badan Maraykanka kadib markii Madaxwayne Obama uu kula kulmay gudaha wadanka Mexico intii uu booqashada ku joogay Flibe Luis oo ahaa madaxii matxafka wadankaas Mexico kaas oo qabay cudurka hargabka doofaarka islamarkaana markii danbe u geeriyooday isla cudurkaasi.