Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Amiir kaTirsaqn Qoyska Reer Al-Nahyaan UAE Oo Ceebi Daba Taal Marku Iska Duubay Cajalad Isagoo....

Wednesday - April 29, 2009

Washington- Cajalad maqal iyo muuqaal ah (Video) oo la sheegay in laga tahriibiyay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa muujinaysa xubin ka tirsan qoyska boqortooyadu uu nin shicib ah ku marinayo jir-dil laga yax-yaxo garaacitaan bakoorado, aalado dabaysan iyo looxaan waawayn oo masaabiiri ku taxan tahay... Isla markaana baaritaan uu ku jir-dilkaa foosha xun nin aad ugu dhawaa qoyska boqortooyada ayaa lagu soo bandhigay cajaladdaas.

Sida cajaladdaasi muujinayso nin lebisan dharka lagu yaqaano booliska UAE ayaa lagu arkayay cajaladdaas, kaasoo dulmanihii la garaacayay ka xir-xiraya gacmaha iyo lugaha, isla markaana markii dambe sare u qaadaya si Sheekha jir-dilkaa fulinayay uu u garaaco, kaasoo uu millix (cusbo) kaga shubayay boogihii dhaawacyadu gaareen, dabadeedna uu gaarigiisii oo nooca Mercedes SUV ah ku qaatay.... Hadal qoraal ah oo ay sheegeen inay heleen Taleefishanka ABC News, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha UAE uu ku sheegay inay dhacdadaa iyo cajalada laga duubay dib u eegayaan, isla markaana ninka arrintaa ku talaabsaday ayuu ku sheegayaa inuu yahay Sheekh Ciisa Bin Zayed al Nahyan, kaasoo ah nin ay walaalo yihiin Amiirka dalka Sheekh Maxamed.

"Dhacdooyinka ay cajaladdaasi muujinaysaa qayb kamay ahayn hab-dhaqanka boqortooyada," sidaa waxa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha UAE. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa laftiisu ah sidoo kale nin ay walaalo yihiin Sheekh Ciisa... Qoraal la sheegay inay xukuumada dalkaasi soo saartayna waxa lagu sheegay inay baaritaan ay sameeyeen ka dib shaaca ka qaadeen sidan; "Dhamaanba qawaaniinta, siyaasad ahaan iyo hanaankii loo maray arrintaasba waxa dabagalayay oo xaq u leh Waaxda Booliska." "Hadii jawaabahoodii ay gebi ahaanba sidan yihiin, markaa waxa wax laga naxo oo laga xumaado ah yax-yaxa ay ku talaabsanayaan," sidaa waxa tiri Mrs Sarah Leah Whitson oo ka tirsan Hay’adda Human Rights Watch. "Waa waddan jir-dilaya muwaadiniintiisii," ayay tiri oo intaa ku dartay, "Hadii aanay dawladu baaritaan ku samaynayn oo aanay soo taagayn cadaalada masuuliyiintan iyo saraakiisha booliska maamulkiisa haya…waa arrin fool-xumo ah."

Cajaladan oo 45 daqiiqadood dhan ayaa waxa dalka Imaaraadka ka tahriibiyay nin lagu magacaabay Mr.Bassam Nabulsi oo hore ganacsade uga ahaa Houston iyo Texas, isla markaana ay aad isugu dhawaayeen Sheekh Ciisa.... Mr Nabulsi waxa uu immika Maxkamada Federaaliga ah ee Maraykanka ka dacwad kaga furay Sheekh Ciisa, kaasoo uu ku eedaynayo inuu xitaa jir-dil ku sameeyo booliska UAE dad ka tirsan, kuwaasoo uu sheegay inuu u jir-dilayo markii uu isagu diiday inuu cajaladdaas ku celiyo gacantiisa, ka dib markii ay labadoodu isku xumaadeen.

"Waxay ahaayeen gaarkaygii (qaar ka mid ah booliska la jir-dilayo), sida runtii ah, marka loo eego arrintayda ninkani waa nin awood u leh inuu ku dhaqaaqo waxyaabaha aan sheegayo inuu samaynayo," ayuu yiri Nabulsi oo laga qaaday waraysi ay tahay in laga faafiyo Taleefishanka ABC News, khaasatan Barnaamijka Nightline. Mr Nabulsi waxa uu sheegay in cajaladaha Fiidyawga laga ururiyay dhacdooyinkan uu ka duubay isaga walaalkii, kaasoo ku duubayay amar uu ka haystay Sheekh Ciisa laftiisa, kaasoo jecelaa sida la sheegay inuu dib u daawado filimada laga qaaday marka uu qasrigiisa boqortooyada joogo.... Sheekhaasi waxa la sheegay inuu tacadigiisan laga duubay mid ka mid ah ku bilaabayo isaga oo xantoobooyin ciid ah afka kaga shubaya iyada oo nin boolis ahina uu u hayo mid ka mid ahaa dulmanayaashii uu ku tacadiyay. Dabadeedna waxa uu rasaas darandooriya ku ridayaa dulmanahaas hareerihiisa iyada oo dabadeed uu ninkaasi kolba dhinac u waregayo si uu naftiisa uga badbaadiyo rasaastaas.