Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Fadilat AL- Digtoor Shiikh Shuceyb Bin Yuusuf Iyo Baraarujintiisi Jimcaha Casharka " Mergashada"

Thursday - April 30, 2009

Asalamu Aleykum, Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah weyne, iyo saliga Suubanaha N.N.K. ha ahaato. Baraarujinta Casharka Jimcahan waxuu ku saabsan Yahay: Mergashada.

Sida badan, qofka marka uu wax cunayo ama cabayo waxey maraan jidka Allah ugu tala galay, Hunguri Marreenka, marar qaarkood wey ka leexataa wadadaa oo waxey gashaa, Mareenka hawada, sidaa darteed, waxa lagama maarmaan ah, si deg-deg ah in looga saaro, maxaa yeelay, waxey khatar gelisaa nolosha qofka. Waxa lagu gartaa qofka meragaday markuu gacmihiisa  ku qabto luqunta. Marka aad la kulanto qof mergaday oo si xoog leh u qufacaya, ku dhiiri geli inuu si wanaagsan usii qufaco adigoon wax kale ku darsan, waxa suurowda inuu ku guuleysto oo dibada usoo saaro wixii uu ku mergaday. Hadii qof mergaday uu ku guuleysan waayo inuu iska soo saaro wixii uu ku mergaday, isla mar ahaantaa uu qufacayo ama si aan wanaagsaneyn uu u neefsanayo, ama neeftuba ku xiranto, qufacana joojiyo, si dhakhsi leh u weydii hadii uu mergaday. Haduu ku garadsiiyo inuu mergaday oo madaxa kuu ruxo ama si kale kuu ogeysiiyo inuu mergaday, si dhakhsi leh uga codso qofka kuugu dhow inuu u yeero kooxaha gargaarka degdega sida 911 dalka Mareykanka iyo Canada, 997 dalka Saudi Arabia, adigana si degdeg ah u bilow habka badbaadinta qofka mergaday ee loo yaqaan: Hemlich Manouver.

Istaag dhabarka qofka mergaday, ku hareeree  gacmahaaga feerihiisa dhanka hoose, gacantaada bidix u duub sidii tantoonyo, mida midigta ku qabo korkeeda, kadibna ku hinji dhinaca tantoonyada  calooshiisa. Si dhakhsi iyo xoog leh ugusoo dhufo dhankaaga iyo xaga sare, adiga oo si wanaagsan usoo hinjinaya dhowr jeer si xoog leh, inta aad dibeda ugasoo tuureysid wixii uu ku mergaday, ama qofku ka miyir beelo. Sannad iyo wixii ka badan, hadii Ilmo mergado ku dhiiri geli inuu si xoog leh u qufaco, wax kale ha ku darsan inta ilmuhu iskood u qufacayo ama xoog u neefsanayo. Marka ilmuhu joojiyo qufaca ama neeftu ku xiranto ama neeftu dhawaaq leedahay, si degdeg ah ugu dhaqaaq inaad sameyso habka badbaadada qofka mergaday ee loo yaqaan Hemlich Manouver, (Talaabada 2 ilaa 4) ee aan horay u tilmaamay.

Mergashada Dhalaanka (Sannad aan Gaarin), hadii dhalaan mergado oo neefta kasoo bixi weyso, ama qufac laga waayo, ama neeftiisa shanqar yeelato, u foorari dhanka madaxa una seexi dhanka caloosha adiga oo gacantaada oo ku tirsan bowdadaada ku haya, markaa ka dib calaacasha gacantaada kale ku garaac garbihiisa dhexdooda si fudud. Hadii aad ku guuleysan weyso inaad soo saarto wixii uu ku mergaday, u seexi dhanka dhabarka, madaxiisa foorari, laba farood ka saar meesha ay iska galaan feeraha iyo caloosha gudaha u riix ilaa afar jeer adigoo had iyo jeer iska dhowraya inaad adeegsato xoog xad dhaaf ah.

Qof mergaday haduu miir beelo, dad labo ka badana ay la joogaan, mid ka mid ah waa inuu u yeeraa gaariga gargaarka deg-dega (Ambulance). Hadii qof keli ah uu la joogo midka mergaday, waa inuu la yimaado gargaarka loo baahan yahay si uu uga soo saaro Hunguri mareenka qofka mergaday wixii galay, sida ugu haboon, si uu u badbaadiyo naftiisa. U seexi dhabarka, kala qaad Afkiisa, isku day inaad kasoo saarto wixii Afkiisa ku jira hadba intii karaankaaga yahay, adeegso fartaada (Murugsato). Hadii aad ku guuleysan weyso habkii aad adeegsatay, ku qabo gacantaada foolka qofka mergaday, mida kalena garkiisa si aad madaxiisa dib ugu jaleeciso oo aad isugu daydo inaad furto Hawa mareenka. Labadaada farood ku owd sankiisa, si xoog leh u afuuf Afkiisa labo mar, adiga oo dhexdooda hakanaaya si Adiguba aad u neefsato. Hadii aad ku guuleysan weyso afuufka qofka mergaday ee miirka beelay, inuu dib u neefsado keligii, lugaha u kalo rido bowdadiisa sida adiga oo faras fuulaya, xusuladaada oo fidsan, calaacashaada is dul saar farahana is dhaafso, calaacashaada oo is dul saaran, xusuladana fidsan yihiin kaga qabo feeraha iyo caloosha meesha ay iska galaan kana fogow wax yar feeraha, si wanaagsan u riix calooshiisa dhanka sare lix ilaa toban jeer, mar kale fartaada kusoo nadiifi wixii ku jira Afkiisa hadii ay kor usoo gudbeen.

Marka aad ku guuleysato in aad kasoo saarto wuxuu ku mergaday hubi inaan dib wax ugu harin. Hadii aad ku fashilanto ku cel celi afar ilaa todoba goor, ama intii aad doonto, si aad guul u gaarto.

Digniin: Iska ilaali had iyo jeer, inaad geliso afka ilmo yar ama dhalaanka, adiga oo aan si quman u arkin ama kuugu muuqan waxa aad dooneyso inaad soo saarto. Iska ilaali inaad hoos ugu riixdo dhanka hawo mareenka qofka mergaday wixii uu ku mergaday adiga oo is leh sare usoo saar.