Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shabaabkii Culimada Loo Tuunshay Loona Taag Waayey Oo Maanta Qoor-gooyo Joogta Ah Qodob Looga Dhigay

Friday - May 1, 2009

Kooxda Shabaab oo weli aan qas ka harin kuna dhiiran gawrac iyo googooyo u taagan... Nabada qaadan waayey... Xaqiiqo la cufeeyey mar buu daah ka cadaane... danta gaarka ah dan moodey... wixii waxgarad la gawracay... qaraxi la soo maray... wixii dadku salal qaaday.... Laga-bartayba Laga-badi.... Dilalka Qorshaysan iyo Ugaarsiga Lagu Hayo Shabaab-ka ayaa Si Xawli Ah Uga Socda Muqdisho... 27-kii April ayaa Dhegta dhiiga loo daray Dhagar-qabe la oran jiray Hassan Tabliiq oo Shabaabka u Qaabilasanaa bixinta lacagaha la-duldhigo dadka markaa la doonaayo in Qoorta-laga-jaro ama la laynaayo.... doraad oo ay ahayd 30-kii April ayaa iyana waxa Madaxa Rasaas lagala dhacay oo loo dilay sidii ay shabaabku waxa u dili-jireen ee Gaadmada ahayd laba xubnood oo ka tirsanaa Shabaabka Muqdisho Joogay.

Warka ka imanaaya Muqdisho ee sheegaaya sida Shabaabka loo laayey ayaa u qoran sidan....Waxa Maanta Suuqa Bakaaraha qaybta Timirta lagu dilay Horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Shabaabka qaybta uu hogaaminaayo Mukhtaar Roobow oo ku been abuurta Magaca ah Shiikh Abu-Mansuur, Dilkan oo ay gaysteen 3 nin oo ku hubayasnaa Bistoolado ayaa la sheegya in ay baxsadeen kadib markii ay dilkaas Fuliyeen... Waxa kale oo isla shalay duhurkii isna lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha Nin dhalinyaro ah oo ka tirsan Shababka.