Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ow Xasanow Maxay Is dhaamaan Tufta Afwerki Iyo Tahliisha Meles By Maxamed Cabdi Goobe

Sunday - May 3, 2009

Hogaamiyihii golaha shuurada ee maxkamadihii islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Xassan Aweys oo muddo labo sano iyo googo’ ka maqnaa fagaarayaasha Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka soo ruqaansaday saldhigiisii Asmara.

Hogaamiyahan ayaa fikirkiisa ka cadeeyey fagaaraha Barxad ku taala Wardhiigley, xilli uu u khudbeynayay boqolaal taageerayaashiisa ah, isagoona ka hadlay waxyaabo badan oo ku aadan xaaladdaha dalku marayo, iyo fikirkiisa ku aadan dowladda Sheekh Shariif.

Mar uu ka hadlayay aragtisiida ku aadan dowladda Shariif ayuu si kulul u weeraray, wuxuuna farta ku goday in dowladdani iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo ay sheegatayba inay tahay afka baarkiisa, isagoo yiri “Shareeco Islaam oo Itoobiya Saxiixa looga Doonay Americana ka raali noqotay, ma shareecaa, waa maya ayuu kala hor maray dadweynihii oo aan ka jawaabin”.

Su’aashaasu waxay tahay horta dowladdan markii ay shareecada ku dhaqankeeda qaadaneysay ma warbaahinta ayaa laga sheegay in saxiix ama ogolaansho looga helay Itoobiya, waa maya lama sheegin, sidoo kalena ma jirin Ameerikaan loo weydiiyay ka raali noqosho, oo qofkii Alle ka baqaya ma oran karo waxaa saxiix looga doonay Itoobiya ama Ameerikaan.

Sheekha, waxaa ku soo noqonaya sida falaartii su’aalo ay ka mid yihiin, gaalka cad iyo gaalka madow maxay is dhamaan, Orthodox mucaarid kugu ah iyo Orthodox muxaafidkaaga ah maxay is dhaamaan, Afwerki tuftiisa iyo tahliisha Meles maxay is dhaamaan, sow ilma Habreed ma ahan Meles iyo Afwerki, mase Afwerki waa barakeysan yahay islaamka ayuuna u dedaalayaa inuu guuleysto, oo uu ka guuleysto Orthodox-kiisa, Melesna waa Gaal cadeystay oo doonaya inuu dumiyo nuurka Diinta Islaamka!!.

Esseyas Afwerki, waa ninkii u duceeyey isbaheysiga uu hadda madaxda ka yahay Sheekh Aweys ee dib u xoreynta dalka Soomaaliya, inkasta oo dalka lagu xoreeyey, haddana waxaa dhacday in Afwerki iyo qodobo ka mid ah Dastuurkii lagu dhisay isbaheysiga dib u xoreynta ay iska hor imaadeen kadib markii uu si cad u yiri Afwerki “Wax nabad ah ha raadidina inta Itoobiya wadankiina ka baxeyso, isaga oo aan hoos u fiirin maatidii Soomaalida ee maalin kasta lagu xusuuqayay suuqyada, guryaha iyo wadooyinka Muqdisho, wuxuuna diiday in dadkaasi wax laga ceymiyo si wada hadal ahna lagu saaro Itoobiya, isbaheysiga Dastuurka lagu dhisayna waxaa ku qornaa in xoog ama xeelad dariiqa dhibka yar looga saaro Itoobiya dalka.

Sheekh Shariif markii uu u adkeysan waayay cadaadiskii iyo caburintii Afwerki ayuu go’aansaday inuu ka soo guuro Asmara si uu wadahadal ula furo ra’iisal wasaarihiij TFG-da Nuur Xassan Xuseen Nuur-cadde, oo isagu gacmaha u fidiyay mucaaridka inay wadahadlaan si xal loo gaaro.

Mida kale ee su’aasha mudani waxay tahay Sh. Shariif, marka uu tegayay dalka Itoobiya ma wuxuu ku tegay isaga oo jabhad madax u ah, mase isaga oo mas’uul Qaran ah, calankiisa iyo Muusikadiisana loo tumay, ma wuxuu tegay isaga oo xaniinyo ka tuugaya, taasina waa maya isaga oo madaxweyne Soomaaliyeed oo sharaf leh ayuu ka degay Addis ababa, waxa uuna u xaqiijiyay in dalalka deriska ah ee SOMALIA IYO ITOOBIYA ay ku wada noolaadaan derisnimo iyo is nabad gelin, taasina waa wax fiican, oo Daboweyn iyo Dabo yar illaahbaa is baday, Somomalia iyo Itoobiyna illaaheybaa is baday.

Shaqsiyan waxaan qabaa labadan gaal (Afwerki iyo Meles), waxba isma dhaamaan danahooda ayayna nagu fushanayaan, iyagaana isaga keena dhow ee anagu aan isku imaano, aan wax wada dhisano, aan hal meel wax ku karsano, maadaama aan nahay, walaalo, isku diin, midab, luqad, iskuna ujeedo ah, yaana midba midka kale ceebeynin oo caddowga naga faa’iideysanin.

Afwerki wuxuu diyaar u yahay inta uu ka baqtinayo inuu mucaaridka dowladda ka hor jeeda ugu deeqo hub iyo saanad Milateri, sidoo kale Meles wuxuu diyaar u yahay inta uu ka baqtinayo inuu hub iyo saanad ugu deeqo qolyaha dowladda si ay ugu adeegsadaan mucaaridkooda iyo shacabkooda, waxayna labadooduba ciyaarayaan xigmada ah (caddowgaaga caddowgiisa waa saaxiibkaa, iyo xigmada kale ah, kugu dhimay oo kaa dhimay kii dhintaba waa Soomaali).

Ugu dambeyntiina waxaan ku soo gabogabeynayaa qormadeydang aaban Maanso uu tiriayy qoraa Soomaaliyeed taasoo uu ka tiriyay dig digta Xassan Daahir, wuxuuna ku cabiray dareenkiisa murtidan:-