Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Odayaal Dhaqmeed Soomaali Ah Oo Itoobiya Ay Xirtay

Monday - May 4, 2009

Odayaal dhaqameed iyo waxgarad Soomaali ah oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan iyo Kilinka shanaad ee is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa waxey wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay Ciidamada Itoobiya ka soo furtaan odayaal dhaqameed Soomaali ah oo u xiran saraakiishaas

Odayaal dhaqameedkan Soomaalida ah ee ay xireen ciidamada Itoobiya ayaa garaaya ilaa 12 odey waxeyna ku xiran yihiin deegaanka Qalaafe oo ah dhulka ay Soomaalidu degto ee ka tirsan Itoobiya.

Odayaashaas gurmaday waxay ka kala tageen deegaanada, Shilaabo, Mustaxiil, iyo Qalaafe waxeyna wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku sii dayaan odaayashan ay haystaan ciidamada Itoobiyaanku oo ay dhawaan ku xireen deegaanka Qalaafe iyagoo ku eedeynaya in caruur ay dhaleen ay ka dagaalanto gudaha wadanka Soomaaliya iyo dhulka Soomaalidu ay degto ee ay Itoobiya Maamusho.

Inkastoo la sheegin odayaashaan ciida ay kala kulmeen saraakiisha ciidamada Itoobiya hadana waxaa la sheegay iney wadaan Kulamo gooni gooni ah oo ay kula qaadanayaan maalimihii ugu danbeeyey deegaanka Shilaabo oo ay ugu jiraan dadaal sidii ay u sii deyn lahaayeen odayaashaas.