Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Baaq Nabad-Doon Ah Oo Ay Soo Saareen Culimada Soomaaliyeed Ee UK

Tuesday - May 5, 2009

Sheffield: Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen culimada iyo wadaadada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska ayaa ka dhacay magaalada Sheffield 4th May, 2009. Shirkaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka soo baxay baaqan:

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Anagoo ah Culimada iyo wadaadada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska, kadib kulan aanu ku yeelanay magaalada Sheffield taariikhda kor ku xusan, waxa aanu ku falanqaynay xaalada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kuna eegnay duruufta xaasaasiga ah ee taagan, annagoo ku dhisnay masaalixda iyo mafaasida sharciga ah ee ka dhalan karta arimaha kor ku xusan, waxa aanu ku baaqaynaa qodobada halkaan ku xusan: 

1. Waxa aanu u dardaarmaynaa umada Soomaaliyeed meel ay joogtoba cabsida Ilaahay (SWT).
2. In wixii khilaafaad ah ee ka dhex taagan dawlada iyo muqaawamada aan lagu xalin dagaal
3. In ay xaaraam tahay daadinta dhiiga qofka muslimka ah.
4. Waxanu taageersanahay dadaalada nabad-raadiska ah ee ay wado Hay’ada Culimada Soomaaliyeed.
5. In go’aankii ku dhaqanka shareecada Islaamka si dhakhso ah loo hir galiyo.
6. In wixii khilaaf ah ee walaalaha Soomaaliyeed u dhexeeya lagu xaliyo wada hadal iyo is fahan.
7. Waxa aanu sida ugu adag u cambaaraynaynaa dilalka qorshaysan ee lagula kaco wax-garadka umada Soomaaliyeed.
8. In arimaha gaalaysiinta (Takfiirka) looga dambeeyo culimada ehelka u ah.
9. Inay culimada Soomaaliyeed meel ay joogaanba ku wacyi galiyaan umada qiimaha nabada iyo midnimada.

Wabilaahi tawfiiq.

Shirkan oo ergooyinkiisu ay ka kala yimaadeen magaalooyinka London, Birmingham, Manchester, Leicester iyo Sheffield, waxaana ka mid ah culimada ka soo qayb gashay shirkaan: