Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

M/weynaha Ruushka Oo Ku Taliyey In Maxkamad Gaar Ah Loo Sameeyo Burcad Badeeda Iyo Faransiiska Oo...

Wednesday - May 6, 2009

Russia- Madaxweynaha Ruushka Dmitry Medvedev ayaa waxa uu sheegay in uu qorsheynayo ama uu soo bandhigay dhismaha Maxkamad Caalami ah oo lagu Maxkamadeeyo Burcad Badeeda.

Medvedev ayay Wakaladuhu ku sheegeen in uu arinta uu soo bandhigay una xilsaaray Garsoorka guud ee Ruushka Laurie Chaika isagoo u sheegay in Saaxiibadiisa kale “Dowladaha kale” uu ka dhaadhaciyo sidii Burcad Badeeda loogu dhisi lahaa Maxkamad lagu Maxkamadeeyo.

 Wakaalada Wararka ee Ruushka "Novostei" ayaa sheegtay in uu yiri Medvedev " waa dushayada in aan ka doodno mushkilada sida ay noola muuqato, Qaanuun Maxkamadeedka , waxaana waajib ah in la dhiso Gole Caalami ah oo daraaseeya arimahan oo kale"

 Hadalka ka soo baxay Medvedev ayaa cadeynaya in ay jiraan caqabado la xiriira sidii loo Maxkamadeyn lahaa Burcad badeeda  la qabto , waxaana sidoo kale jirtay in culeyso badan ay Ruushka soo fuuleen dhanka marin biyoodka Cadan taas oo saameyn kaga yeelatay  xaga gacansiga.