Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Fadilat Al-Digtoor Sh. Shuceyb Bin Yuusuf Iyo Baraarujintiisi Casharka Jimcaha "Dhibaatada Khamriga"

Thursday - May 7, 2009

Asalamu Aleykum, Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah weyne, iyo saliga Suubanaha N.N.K. ha ahaato. Baraarujinta Jimcahan wuxuu ku saabsan Yahay:Dhibaatada Khamriga.
Khamriga oo ka mid ah waxa Allah xarimay, islamarkaana lagu tilmaamay hooyada xumaan oo dhan, waxa uu keenaa dhibaato caafimaad, mid bulsho iyo dhaqaale oo aan la koobi karin.  Dad gaaraya boqolkiiba shan iyo toban (15%) ayaa u taga booqasho bukaan socodka takhaatiirta daweeya cudurada guud, sidoo kale waxey gaaraan boqolkiiba 10%  ilaa 20%, kuwa isbitaalada booqda oo ka sheegta dhibaato kasoo gaartay khamriga ay cabaan.

Khamrigu wuxuu kor u qaadaa dufanka (kolesterol) dhiiga aadmiga, falgalaha Beerka (Liver Enzimes), wuxuu keenaa dhiig yaraan (Anemia), waxa uu hoos u dhigaa awooda waxsoosaarka jirka guud ahaan, wuxuu waxyeeleeya qanjirka Bankerayaska, oo sameeya dhacaanka Insulinka daruuriga u ah inuu hoos u dhigo sokorta  dhiiga, la’aantiisna qofku uu halis u yahay Cudurka loo yaqaan Sokorowga (Diabetes Mellitus).  Dhibaatada caafimaad iyo kuwo kaloo fara badan oo aan tilmaami doono baa ka mid ah waxyeelada khamrigu u geysto jirka iyo caqli adamiga.

Dalal badan oo ay ka mid tahay Kanada gaar ahaan, waxa u dhinta dhibaatada kasoo gaara khamriga tiro dhan 15,000 oo qof sannad walba, tiraduna way sii korodhaa sanad walba. Khamriga waa ka dhibaato badan yahay marka la barbar dhigo dooriyeyaasha kale ee bedela maanka qofka, markuu isticmaalo mudo waabartaa oo wuu ku dhegaa (Additive), kadibna dabeecad bay u noqota. Sida ay cadeeyeen tirakoobyada laga qaaday dalka Kanada, boqolkiiba sideetan waxey isticmaaleen khamri markamid ah noloshooda, sidoo kale boqlkiiba lixdan si aan joogta aheyn bay u isticmaalaan khamriga.

Khamriga oo la cabaa waxey sababtaa boqolkiiba afartan (40%), shilalka gawaarida ee dhaca, darawalkuna ku geeriyoodo. Sidoo kale dadka u dhinta shilalka ay ka mid yihiin: Meel sare oo laga soo dhoco (Falls from high), Dabab kacay (Fires), Biyo lagu hafto (Drowning). Sidoo kale,  tiro gaareysa boqolkiiba afartan, waxa sabab u ah khamri la cabo, waxana ka dhasha,  Dhaawaca maskaxda gaara (Stroke), boogta caloosha (Peptic Ulcer), cudurada beerka (Hepatitis), nafaqo daro (Malnutrition), cudurada wadnaha (Heart Diseases), Kansarka ku dhaca qeybo kala duwan oo jirka ka mid ah (Cancers).

Khamriga oo ay cabaan dumarka xilliga ay ilmaha sidaan wuxuu u geystaa waxyeelo ilmaha ay sidaan, oo marmarka qaarkood ku dhasha xubnahooda oo aan kaamil aheyn (Fetal Malformations). Kanada, hey’adda u qaabilsan caafimaadka (Health Canada), waxa ay qiyaastay caruurta ku dhalata Kanada, in kunkiiba mid ka mid ah uu ku dhasho cudurka loo yaqaan (Fetal alcohol Syndrome) oo waxyeelo aad u ba’an u geysta ilmaha, midaa waxa u sabab ah khamriga ay cabaan dumarka xilliga ay ilmaha sidaan. Khamriga ma jirto qiyaas u go’an, oo aan waxyeelo keeneyn, sidaa darted habka ugu wanaagsan oo lagaga hortegi karo cudurka waa in cabida khamriga laga fogaado.

Sannad walba waxa ku baxa lacag aad u fara badan oo gaareysa balaayiin dolarka mareykanka ah, si loo daryeelo caafimaadka dadka uu waxyeelaha kasoo gaaro khamriga iyo wixii kale ee la xiriira sida kharajka ku baxa maxkamadaha iyo xadgudubka ay geystaan dadka khamreysan ama hantida ay burburiyaan.

Si loo yareeyo dhibaatada khamriga uu keeno, waxa loo baahan yahay in bulshada lagu baraarujiyo khatarta balaaran ee la socota isticmaalka khamriga, sidoo kale waxa loo baahan yahay, in qofka caba lala socodsiiyo oo looga digo halista uga iman karta naftiisa iyo eheladiisa ama guud ahaan bulshada uu ku dhex nool yahay.