Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Siilaanyo Haraadigii Calan-Csta Maxaa Kala haysta... By Mr. Gooraa

Friday - May 8, 2009

Walaalayaal,Salaan kadib waxa beryahan dambe saxaafadda Somaliland, gudaha iyo dibaddaba ku soo baxayay warar tibaaxaya in koox ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye wadaan kulamo iyo wada-tashi ay doonayaan inay Guddoomiyaha Xisbigaa, Al-xaaj, Al-mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud ''siilaanyo'' ka faramaroojiyaan tallada xisbiga isla markaana ta musharaxnimo ee madaxtooyada si uu xisbigu guulo uga soo hoyiyo, waa siday hadalka u dhigeene  doorashada inagu soo aadan ee bisha september 2009.

Haddaba kaartadan ay rabaan kooxdan yaree ka soo hadhay nimankii calan-casta ahaa iyo xubno kale oo ay si kale ku bahoobeen inay ku minjo-xaabiyaan Guddoomiye Siilaanyo maxay daaran tahay?, goormayse bilaabantay? yaana ka dambeeya?.

Waxaan jeclaystay akhristayaal inaan arintaa wixii aan ka ogahay ama fikirkaan ka qabo wax yar ka biniixiyo:

Laga soo bilaabo horaantii sannadihii sideedtameeyadii ee uu halgan-kii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ahaa ee SNM curdinka ahaa waxa saraakiishii millateriga ahaa iyo siyaasiyiintii ururka ka dhex bilaambay loolan siyaasadeed, Ficiltan hoose iyo is-wanjalaad aan loo meel dayin, run ahaantiina ragaadin iyo dib-u-dhac weyn ku keenay halgankii la doonayay in lagaga xoreeyo dalka rajiimkii Maxamed Siyaad Barre hormuudka u ahaa.

Bal haddaba aan qeexno kooxahaa iyo garabyadii ay kala ahaayeen.

Kooxdii Khaakhda(calan cas).
Kooxdii Shiishta.
Koox aan midnaba ahayn oo laysla jiidhay.
Kooxda Calan-casta oo ahaa kuwa ugu firfircoonaa, ugu qayladda badnaa uguna rabshada badnaa waxay kalifeen in hogaankii xisbiga loo doortaaba gudan kari waayo hawshii loo igmaday iyadoo taako iyo suuldaaro hadba loo dhigayay, taasina waxay keenatay in wax 6 bilood ka badanba gudoomiye hayn kari waayo xilkii, mar loo hanjabo, mar shir aan caadi ahayn loogu yeedho si loo bedalo. Sida la wada ogyahay gudoomyihii ugu horeeyay ee SNM wuxuu ahaa Ina Jimcaale, waxa ku xigay Sh. Yuusuf Sh. Cali Sh. Madar, waxa ku sii xigay C/qaadir Koosaar Axmed, dhamaantood ilaahay ha u naxariistee. Intaasoo Gudoomiyeyaal waxay xilka hayeen 2 sannadood isu geyn.waxa ugu weynaa ee kalifayayna waa xintanka iyo kooxaysiga ka dhex jiray saraakiisha SNM, iyadoo gudoomiyaha la doorto aan la siinayn jaanis uu siyaasadiisa ku meel mariyo balse markiiba cunaha layskaga duubayay, iyadoo la leeyahay hebel baad jagadaa siisay, hebelna jago aanu u qalmin ayaad u dhiibtay, inaad socdaalkaa u baxdo may ahayn iyo hebel baad xalay wada fadhideen.Had yo jeerna meelaha ay sirtu ka qudhmi jirtay ee laysku maandhaafi jiray waxa ugu weynaa jagooyinka kala ah Wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha Ciidamada oo siday caadadu ahayd labada garab kala qaadan jireen, haddii calan-castu noqoto wasiir difaac shiishtuna taliyaha ciidanka ayay qaadan jireen, dabadeedna xaalku wuxuu ahaan jiray in tareenka markuu xagaa mid u dhaqaajiyo in ka kalena xagga kale u dhaqaajiyo, dhibaataduna waxay ku dhici jirtay askartii caadiga ahaa ee mujaahidiinta ahaa, dadkoodii iyo dalkoodiina uga soo talaabay inay ka dul qaadaan ummaddooda cabudhintii iyo gumaadkii kaga imanayay taliskii faashiga ahaa ee ka talin jiray dalka. Halkaana waxa ka dhalatay Mabda' aan weli adduunyada meel lagaga dhaqmo la arag oo la yidhaa ''Qaaxology,, oo rukunka ugu weyni yahay siyaasadan ilaa maanta ina daba-qufacaysa ee loo yaqaan ''' ku-jiqsii''. Kooxdanina sidaa ayay  ugu calan wanlaynaysay halgankii snm ee bilowga ahaa dhaawac badana u gaadhsiiyeen ilaa 1984-kii laga soo xambaaray Axmed_siilaanyo dalka uk, ragii u gacan haadiyayna waxa ka mid ahaa mujaahid C/qaadir koosaar iyo sh. Yuusuf Cali sh. Madar. Siilaanyo oo ahaa Wasiir la soo shaqeeyay Siyaad barre kagana wada dambeeyay Xamar gudoomiyeyaashii hore wuxuu ku guulaystay inuu ka badbaado shirqooladii iyo dibin-daabyadii looga bartay kooxda khaakhda isagoo adeegsanaya aqoontiisa, xeeladihii uu ka soo bartay intii uu u ahaa wasiirka dawladdii af-weyne, taasina waxay u suurto gelisay inuu noqdo gudoomiyii ugu muddada dheeraa ee haya xilka SNM from 1984 -1990-kii.

Siilaanyo iyo Calan-castu waxay isla soo mareen narxalado badan intii uu socday halgankii xalaasha ahaa ee SNM, waxaana xusud mudan markii ay gaadhigii gudoomiyaha kaga qaadeen siilaanyo wadada dheer ee Xarshin iyo isku xidha Daroor 1989-kii. Taasoo keentay in lagu xidho magaalada Herer dhowr sarkaal oo ka mid ahaa khaakhda.

Haddaba kuwee ayaa ka mid ahaa kooxdaa khaakhda ama Calan-casta:

Muuse biixi Cabdi oo ahaan jiray ciidamaddii lidka diyaaradaha( Anti air craft) ee Soomaaliya
Maxamed Kaahin ilxidh oo ahaan jiray xagga sahanka ciidamaddii Soomaaliya
C/raxmaan Aw Cali Faarax (tolwaa) oo ahaan jiray Sirdoonka ciidankii Soomaaliya
Ibraahim Xabashi (dhegaweyne) oo isaga wakhti dambe la duufsaday laakiin ahaa mujaahid xalaal ah oo geesi ah, laguna khalday xadhko yaryar oo hoose oo loo garaacay, wuxuu ku soo biiray SNM 1984-kii.