Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Al-Shabaab Ma Mujaahidiin Mise Adeegayaal Ajnabi Xukun-doon Ah By Mr. Cabdi-Rashiid Cali Cadoow

Friday - May 8, 2009

Bartilmaameedku waa in la dilo bulshada inteeda hormuudka ah, shaqsiyaadka hawlwadeenka ah, culimada iyo cuqaasha ay dadku dhegeystaan marka ay hadlayaan, aqoon yahannada iyo cid kasta ee bulshada waxtar u leh.
Dadkaas waa in la laayo oo la waayo. Ujeedada laga leeyahay maxay tahay? Ujeedadu waa in bulshada ay ka soo harto shacab aan hormuud iyo hoggaamiyayaal lahayn oo ay shisheeye xukumaan. Kooxda Al-shabaab yaa madaxdeeda yaqaan, adeegayaashooda waan naqaane.

Adeegayaashoodu waa wiilal cawaan ah oo yar-yar oo maskax-dhaq lagu sameeyey loona soo direy inay laayaan ehelladoodii inta la soo siiyeye bastoolado iyo taleefoonada gacanta oo amarrada lagu siiyo. Waxaa kaloo loo sameeyay in ay Qufaan qaruuraha culimada saalixiinta ah ee soomaaliya sabab u noqotay in diintu soo gaarto sida SH. UWEYS AL-QAADIRI iyo SH.QAASIM ALBARAAWI iyo SH. NUUR XUSEEN MACALIM DHEEROOW,iyo culimo badan Culimadaas oo ay faagteen qabuurtoodii loona iib geeyay Lafahoodii israa,iil iyo talyaan.

Waxay kaloo sameeyaan wiilashaas laqalday wax aan Weligeed ka dhicin geyiga soomaaliyeed oo ah Gowraca Culimada iyo Bahweynta soomaaliyeed taas oo aan Soomaaliya laga aqoon.

Al-Shabaab Diin u diriri maayaan ciddii taas aan ogayni ha ogaato, dan Soomaaliyeed u diriri maayaan, dad Soomaaliyeed-na u diriri maayaan. Al-Shabaab waxay caddeysteen inaysan aqbali doonin dawladda Islaamiga ah iyo ku dhaqanka shareecada waxayna u hoggaansanaanta Kitaabka Alle iyo dhowrista midnimada Muslimta Soomaaliyeed ka doorbidayaan u hoggaansanaanta iyo adeecidda hoggaamiyaashooda Afganistaan jooga.

AL-SHABAAB MIYAA DILAYA DADKA MISE CID KALE?

Waxaa jirta dood ay ku indha-sarcaadeen ama lagu marin habaabinayo shacabka in badan oo ka mid ah oo ay wadaan Al-Shabaab iyo kooxda ay hoggaamiyaan Khawaarijtu iyo Midowga shacablaynta(MMI) kuwaas oo abuuray al-shabaabka jooga hada oo iyaguna dhibaatada dalka ka jirta qayb ka ah.

Al-shabaab hore qofkii u yaqaanney falalkooda guracan hawlgalka waa ay u caddahay inay yihiin gacanta ka dambaysa dilalka sababtoo ah. Al-shabaab ma jirto tuulo Soomaaliya ka mid ah oo ay dagaal ku qabsadeen, ama haddii si kale loo dhiga duullaan ay qaadeen waa ay ku qabsadeen laakiin ma jirto magaalo inta muddo dagaal ka socdey ay kadibna dagaal ku qabsadeen.

XEELADAHA AL-SHABAAB

Xeeladaha ay adeegsadaan ee ay deegaanno badan ku qabsadeen waa labo. Tan koowaad deeggaannada qaar Khawaarijta Maxkamadaha ama dadka deegaanka ayey ka qabsadaan iyagoo aan dagaal sokeeye ka sarriiganayn dadka kalese diyaar uma ahan inay sida al-shabaab dhiig Muslim daadiyaan. Xeeladda labaadna waa iyadoo Al-Shabaab ay in muddo ah wadaan khaarijin qarsoon iyo xaafadaha oo laga baxo dadkaas maamula deekaankaas iyo taleefono shaqsiyaadka hawlwadeenka iyo hurmuudka ah loo diro iyadoo la abuurayo cabsi gelin iyo argagaxin taasi oo dhalisa inay kala cararaan ama faraha kala baxaan hawshii ay umadda u hayeen. Taasi oo dhalisa in dhammaan shaqsiyaadkii hawlwadeenka ahaa ee magaaladaas la waayo kadibna ay Al-shabaab ku duulaan magaaladii oo ay laayaan mulimiinta halkaas joogtay qaarna ay gowracaan qaarna ay xabsi dhigaan oo ay ku qabsadaan sidaas ayadoon cidina madax u ahayn.

CADDEYN KALE

Oo arrintaas loo hayo waxay tahay in magaalada ay Al-shabaab qabsadaan aysan dhicin in cidna si qarsoodi ah loogu dilo, balse magaalooyinka aysan xukumin had iyo goor dad la tuhunsan yahay inaysan Al-shabaab ahayn ayaa lagu dilaa marna ma aysan dhicin in si qarsoodi ah loo dilo cid lagu tuhmayo in Al-shabaab ay tahay ama taageersan tahay. Dilalkii Sh/hoose ka socon jirey waxay dhamaadeen markii al-Shabaab qabsadey. Gobollada Dhexe sida Hiiraan iyo G/guduudba sidaas oo kale ayey uga billaabeen dilalka qorsheysan illaa ay dhacdey laga sifeeyey deeggaannada qaar oo markaas ammaan la heley waxaa kamid ah magaalooyinka laga sifeeyay hada Gobalka Galgaduud,Qaybo kamid ah Gobalka Gedo sida Baardheere Qaybo kimid ah Gobalada Bay iyo Bakool Gobladas oo ay kasifeeyeen Xoogaga Mujaahidiinta Xifdiyaasha Diinta iyo Dalka Ee Ahlusunna-Waljaaca kadib Markay u adkeesanwaayeen dhibaatada lagu haayo diinta iyo dalka waxay kalooy sameeyaan gaalaysiinta culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed in!tii aan iyaga taageersanayn.Al-Shabaab weligood ma cambaareyn mana sheegin inay ka xun yihiin qof Muslim ah oo la diley ee waa ay ku faanaan inay dileen ama qofkii ay ka baqayaan in dilkiisa dagaal uu ka dhasho waa ay dafiraan.

Al-shabaab ma lahan damiir wanaagsan oo ka gilgisha gurracnimada ay leedahay in dhiig qof Muslim ah la daadiyo umana eegaan diinta wax ku bannaan iyo waxaan ku bannaanayn ee amar ka sugaan aabahooda usaama oo markiisii hore ushaqaynjiray Maraykanka Kana soo Xaday Maiinadii lagu sameyn jiray saasna ku fangareeya Al-shabaab iyo Aabahood usaama manadoonayo in soomaaliyo hal hugaan yeelato waxay doonayaan in ay xukumaan sidii ay doonaan xukunkaas haku gareene.