Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shiikhyada Aweys iyo Shangole Sow Mici Bilaawaha Ka Dheer Kuma Baalbaalin Sharifyadi Ka Abaal Dhacay

Sunday - May 10, 2009

Garcas shiikh Xasan Aweys falsafadiisa waa naftu iney maqnaato iyo iney mahad ku noolaato maawelis weyaan wixi u dhaxeeya... Shiikhu waxuu qatooyo daris ahaadaanba tobanle ka soo qaatay Afawarqaha biirka marku cantuugaba balaayo tiiraabaya...Suunka giigsaday gadood mar qura ayuu sidii Aar libaax ooda soo jabiyey.... isagoo guuxaya gurxamaya isku soo gaashaamay shakado iyo salab dhabada xamar seegin ...waa fulay been dheh boql iyo jar midna kama leexdo, butukhna laguma waabin karo kibirna uma baaqin... Meel libaax taaganyahay weer ma soo maro...Tan kale Xaajo nimaan ogeyn baa indhaha ka rida, xaqiiqo la cufeeyana mar bay daaha ka cadaane, baruur kaliya baa baruuro qurmisa... Geeluba ugaasow haddu ayda miranaayo... dareen baa ka jira meel galbeed daab ku leeyahay...Dameer sange laga sareysiiyey gobtiina la siray lana silciyey... Asharaafti sakiinta hoh iyo caku waxay noqdeen qawleysato iyo kuwa ka habaabay hubsasho iyo run kuna sakhraamay balwad lacageed iyo haraad socdaalo aan ujeedo lahayn oo gacan maris kaliya looga dan leeyahay, waa kuwaas calooshi xirneyd durbaba xalus ku yeeshay.