Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shabaab Oo Weli Ooda Si Jabsaneysa Iyo Sh. Sharif Oo Kurbo Ka Hayso Dagaalka U Rogmay Qaab Qabiil

Monday - May 11, 2009

Mogadisho: Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ee Muqdisho ayaa sheegaya in colaadi iyo isharadankii ay weli socdaan... Al-shabaab oo isbidaya iney wax horumar ah ka gaareen dagalkii maalmahaan socday wey ku sii fidayaan baro horleh oo u cayiman, laakiin sida muuqata wey fashalikaran ma daama ay ku dagdagayaan Go'aano aan loo baahneyn xiligaan

Dhinaca abaabulka dawlada ma fiicna oo maleeshiyada taabacsan ayaa weli Aaminsan kanaa reer dhinbil iyo kanaa reer dharaar ah mana doonayaan dhimasho,balse qabiiladooda ayey u kala yaaceen.... halka dalinyarada al-shabaab ay yihiin kuwa u Ooman iney dhintaan si ay u faramaroojistaan xukunka dalka... arintu si kastaba ha noqote dagaalkii waxaa loo duway qaab qabiil oo si xawli ah dhiiragalintiisa loo meel mariyey.

Madaxweyne Shiikh Shariif iyo saaxibadiis weli dhagax ayey tuujinayaan oo dhuuxayaan meel maran, sheekadiisana waxay ku socota " Waan idin Habaaraa"... Madaxeyne ma cataabo waase micyo adeegaa, ma aha inu u sheekeeyo dha-dhaab oo dhagxaan u heeso,waana ku ceeb in dagaalka u badalmo hasha yaa maali jiray.hadaba isagoo ka muregeysan dagaalka u badalmay yaa maali jiray waxuu isgu yeeray qaybaha kala duwan ee bulshada Banaadir oo ay ka mid yihiin culumaaudiinka , odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamadda gaar ahaan kuwa dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Banaadir.lana hadlay dadkii uu la kulmay una sheegay inay u jeedaan meesha uu xaalku maraayo isla markaana ay tahay waajib diini ah oo muqadas ah in nimankaas la iska qabto.

Sheekh Shariif ayaa soo qaatay aayado ka mid ah quraanka kariimka iyo axaadiista nabiga iyo waliba sidii asxaabtii nabiga ay ula dagaaleem Khawariijtii dishay hogaamiyihii sadaxaad ee islaamka Sayid Cismaan Bin Cafaan(A.K.R.N.) wuxuuna sheegay in asxaabtii iyo taabiciyiintii iyo dadkii suubanaa ay u istaageen inay nimankaas xariga furtey ee dhiiga muslimiinta iyo xoolahoodaba baneystey iney jidka kusoo leexiyaan isla markaana ay ku guuleysteen,waxuuna tilmaamay in nimanka khawaarijta ay ku waligoodba ixtiraamin caalim iyo odey dhaqan toona isla markaana ay yihiin firqo luntay oo baadil xaq u heysta una dirireysa baadilkaas ay xaq ahaan u aamineen taasna ay keentay inay dilaan Cismaan Bin Cafaan oo nabigeenii Muxamed N.N.K.H.A uu ugu bishaareeyo janada isaga oo nool oo uu sheegay in danbigiisii hore iyo kiisii danbeba la dhaafay.... Sheekh Shariif ayaa weydiiyey dadkii la joogay oo yiri ma idinla tahay dadkii Cismaan Bin Cafaan oo aan ognahay meesha uu ilaahay gaarsiiyey dhiigiisa iyo maalkiisa baneystey inay cid kale badbaadinayaan hadaan la iska dhicinin.