Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Sadexda Cimaamadood Ee Mogdisho Ka Taliya By Cabdi Mingiiste

Tuesday - May 12, 2009

" Haddii Caamo is qabsato waxaa lagu kala saaraa camal rag,haddiise culumo is qabsato waxaa lagu kala saaraa CADAABTA—waa hadal aad u culus"

Berigii hore marka aad aragto nin Cumaamad madaxa ku duubaan midabkay doontaba ha lahaatee waxaa markiiba kugu soo dhaci jirtay in ninkaasi uu yahay nin camalkiisu u badan yahay dhinaca Diinta,amase aqoon fiican u leh xaqa iyo baadilka,salad sax ah,balse manta waxaad moodaa in arintu sidaa ka fogtahay.

Muqdisho oo mar ahaan jirtay mid ka mid Caasimadaha ugu quruxda badan qaarada Afrika ,ayaa mudo dheer la baaxadegaysay dagaalo sokeeye oo wejiyo kala duwan lahaa ,balse aad moodo in ay xilligan gashay mid ka duwan dhamaanba noocyadii dagaal ee hore uga jiri jiray Muqdisho.

Waxaan si fiican u xasuustaa dhamaan dagaaladaas kala duwan ee Muqdisho soo martay marka laga soo bilaabo 1990,kuwii ugu muhiimsanaa ee aan si fiican u xasuustana waxaa ka mid ahaa :-
-Dagaalkii lagu ridayey keli taliyihii Kacaankii Siyaad Barre
-Dagaalkii Cali Mahdi iyo Maxamed Farax Caydiid.
-Dagaalkii Beelaha
-Dagaalkii Kooxaha
-Dagaalkii Kooxaha iyo Maxaakiimta
-Dagaalkii Maxaakiimta iyo Itoobiyaanka
-Dagaalkii Cabdillahi yusuf iyo reer Muqdisho