Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dhirbaaxyadi Sokeeye Lays Ku Waday Oo Weli Socota Iyo Kooxihi Micyo-lisanayey Oo Qasriga Kulaalaya

Wednesday - May 13, 2009

Mogdisho: Kooxihii Isku-tirinaayey iney iyagu gartu u go'day Ee al-shabaab iyo isbahaysigoodi xisbul islaam garabka Shiikh Daahir Aweys ayaa weli Oodi si jabinaya oo iminka dadka qaarkiis ay leeyihiin albaabada madaxtooyada ayey soo jabinayaan irdahana ay ka soo boodi maalmaha fooda nagu soo haya.

Kooxahaan duulaya sidi Aarkana ciyahaya oo aaran helay waxay talo ku gaareen iney ciriid kulul iyo cagaag ku dagaalamaan oo ujeedooyinkooda soo hilaacmay ay geedo u karkariyaan.

Arintu si kastaba ha noqote kooxahaan diiday iney geesna la heshiyaan shiikh iyo ciroolana tashigooda diiday uma muuqdaan kuwa gabanaya oo geeri ka baqaya, waxayna rabaan iney maamulka Shariif ka dhiigeyaan hsa-ahaate amuurtu waxay ka joogta kooxdaan oo ajeendadoodu tahay Kitaab Cusbooneysin oo aan la garaneyn iyaga iyo shicibka ciida u garnaqidoonta.