Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Geesigi Horkacay Nabada... Abwaan Hadraawi Oo Lagu Sooray Liiska Dadka Caanka Ka Ah Dunida

Monday - May 25, 2009

Geesigi U Dhiidhiyey Nabada... Sharka Iyo Kheyrka kala Carbaabay... Qaaday tilaabooyin Digtoon... Afka ma Daboolin... Dhawaaqiisa waa Garanaya Ruuxi Dhiig Leh...Abwaanka caanka ah Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi), ayaa lagu daray liiska dadka magaca iyo karaamada ku leh dunida.

Abwaan Hadraawi, oo ah hal abuur caan ah, waxa lagu daray bogga dadka dunida magaca iyo saamaynta ku leh ee wakhtigooda u huray arrimaha bulshada sida nabadgelyada, xuquuqal insaanka iyo bini-aadminimada.

Sida lagu muujiyay bogga "My Hero" Abwaan Hadraawi, waxa lagu maamuusay oo lagu sharfay badweynta suugaantiisa iyo kaalinta uu ka qaato nabadgelyada iyo xoojinteeda. Waxa tusaale uu boggani u soo qaatay safarkii nabadaynta ee uu Hadraawi sannadkii 2003 ku maray dalka Somaliya, isagoo ugu baaqayay inay colaadda joojiyaan oo ay nabadgelyo u hub qaataan.

Boggu waxa uu xusay in Abwaan Hadraawi, oo ah nin cod ku dhex leh bulshada Somalidu, uu safaro ku saabsan nabadaynta ku tagay qaarado kala duwan oo dunida ah sida Yurub iyo Maraykanka. Waxa kale oo uu "My Hero" muujiyay sida ay Somalidu u qadariso ee ay u ixtiraamto maansooyinka iyo gabayada iyo weliba heesaha ka soo maaxday maskaxda Abwaankan, oo ay sheegeen inuu sannadkii 1999-kii ka soo guuray qaaradda Yurub, ka dib markii ay nabadgelyo buuxdaa ka tisqaaday wadankiisa Soomaali-land oo uu hadda degenyahay.

Boggan dadka ku jira waxa ka mid ah Mr. Koffi Anan oo ahaa xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobay oo lagu xushay kaalinta uu ka qaatay xoojinta nabadgelyada adduunka iyo weliba xorriyatal qawlka. Waxa kale oo shakhsiyaadka boggan ku jira ka mid ah Mr. Jimmy Carter oo ahaan jiray Madaxweyne soo maray dalka Maraykanka, oo isna lagu xushay sida uu wakhtigiisa ugu huro arrimaha bini-aadminimada. Dadka magaca iyo karaamada ku leh dunida ee boggan Abwaan Hadrawi kula jira waxa ka mid ah Mr. Martin Luther King, oo ahaa halgamaagaadii iyo geesigii u kacay dadka Madow ee Maraykanka ku nool.