Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Warbixin Laga Diyaariyey Zanjabiisha Waxtarkeeda Xaga Caafimaadka By Hersi Osman

Tuesday - May 26, 2009

Waxaa markii u horeysey si qayral caadi ah ugu fidaya isticmaalka Sinjibiisha Wadamada Reer Galbeedka, inkasta oo mudo boqolaal Sano ah si joogto ah looga isticmaali jirey Wadamada Asia Shay si weyn loo tixgeliyona ay ahayd Sinjibiishu markay noqoto arimaha Caafimaadka iyo weliba iyadoo loo adeegsan jirey wax kariska.

Hadaba waxay dadka ku-xeel dheer arimaha caafimaadku daaha ka rogeen in Sinjibiishu ay qani ku tahay walaxda loo yaqaano Gengirol oo loo adeegsado khafiifinta iyo habsami uqul-qulka dhiiga.

Marka laga yimaado habsami u socodka dhiigga waxay Walaxda Gengirol caan ku tahay labadan arimood ee soo socda:
1): Waxay si aan caadi ahayn kor ugu qaadaa tayada iyo saafinimada dhiiga, si aanay unugyada dhiiga (xambaarayaasha Ogsijiinta) isugu guntamin, marinada Dhiiguna u oodmin taas oo dhalisa in qul-qulkii dhiigu meesha ka baxo.

Intaas oo ciladood markay Walaxda Gengirol meesha ka saarto taa macneheedu wuxuu noqonayaa in Dhiigu si aan xayiraad lahay u socdo isaga oo xambaarsan Ogsajiin ku filan, Nafaqooyin iyo waxyaalaha kale ee daruuriga u ah Jidhkeena uu gaadhsiin karo Unug kasta oo ka mida Boqolka Bilyan ee Unug ee Jidhkeenu ka samaysan yahay.

Suurta galnimada arintanina waxay waxtar weyn u tahay khaasatan Wadnaha, wareega Dhiiga, kartida iyo awooda Maskaxda, Gacmaha, Lugaha, Xubnaha Taranka iyo weliba kor u qaadida wax maqalka oo intuba si la dareemi karo awoodoodu kor ugu kacdo.
2): Isticmaalka joogtada ah ee Sinjibiishu wuxuu baajiyaa inay inay xarkagaan dhexroorkooduna yaraado Halbowlayaasha, waxaa cilmi baadhis lagu sameeyey Sinjibiisha lagu xaqiijiyey inay aad ugu raysteen wax tar weyna u yeelatay Sinjibiishu Dadka ka cawda Xubnaha ama Laabatooyinka oo xanuuna, yididiilo hor lehna gelisay, iyadoo weliba aanay kala kulmin isticmaalkeeda wax "Side effect-ah".

http://www.stuttgarter-stadtanzeiger.de/news/archiv/2009-15/130/5.pdf

Sinjibiishu waxay kaloo u dawa tahay Dadka ku dawakha Safarada, Xanuunka ku dhaca Ciridka, Nabarada xanuunka label-belaya, kabuubyada Xubnaha jidhka laga dareemo. Intaa waxaa u dheer waxay lid u tahay noocyo aan tiro lahayn oo Bakteria ah, waxayna dejisaa Maskaxda, cadaadiska Dhiiga oo ay hoos u dhigto, Apiete-ka oo ay Qofka u furto, fududaynta Dheefshiidka, ka hortaga Mantaga iyo Lalabada, Xabka oo ay ka soo goyso Qofka dureysan ama qufacaya iyo weliba iyadoo wax weyn u tarta Dadka ay dhibto ceshashada Kaadidu.

http://thepowernews.blogspot.com/2008/11/ingwerwasser-ist-einfach-zuzubereiten.html
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa jira iyana meelo looga dayriyey Sinjibiisha oo ay ka midyihiin Dadka Nabarada Caloosha ku leh, kuwa Calool ololka leh iyo kuwa Dhagxaantu Kelyaha kaga jiraan, waxaan iyana isticmaalkeedu u fiicnayn Dadka Madax- xanuunka joogtada ah qaba iyo kuwa habeenkii sida lama filaanka ah u dhidida.

Waxaa iyana meesha laga saaray inaad isticmaasho Sinjibiisha hadii qaliin kugu soo fool leeyahay iyadoo Dhakhaatiirtu u cuskadeen halkan inay keeni karto Dhiigjoojinta oo adkaata.
http://www.wellnessworld.de/ingwer-die-wunderknolle-scharf-und-gesund/