Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Taliyaashi Ciidamada Itoobiya Oo Iney Muslin noqdeen lagu Eedeeyey iyo Baadariyaashi Oo

Wednesday - May 27, 2009

Baadari Itoobiyaan Oo Muslimay Oo ka Waramaya Sheekadiisa       
Sunday, 22 March 2009 
Afar iyo Toban baadari oo u dhashay dalka Itoobiya oo dhowaan muslimay ayaa ka qayb galay xajkii sannadkii dhowaa, si ay u soo gutaan waajibka diiniga ah.


Baadariyadan oo booqday xarunta ururka dhalinyarada islaamka ee caalamiga ah oo ku taalla magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga ayaa ka sheekeeyey qisaska jidkii ay u soo mareen islaamka iyo caqabaadkii ka hor yimi intii ay wadeen baadhitaan dheer oo aakhirkii keenay in ay muslimaan. Baadariyadan hore waxa ka mid ah Alume Yu Kabda oo ka soo jeeda qoys masiixiyiin ah isla markaana masuul ka ahaa kaniisad ku taalla deegaanka Selta ee dalka Itoobiya, Alume waxa uu markii dambe u dallacay darajada ah daaciga ama diinfidiyaha aan xuduudda lahayn waxaanu ka tirsanaa mad-habta Protestant-ka.

Alume inti iuu masiixiga ahaa waxa uu diyaariyey filim uu ku soo badhigayo qaabka dad muslimiin ahi isugu beddeleen masiixiyiin, waxaanu arrintan kaga helay kaniisadaha waaweyn, abaal-marino heerar kala duwan leh.

Alume waxa gacantiisa ku masiixiyoobay tiro badan oo isugu jira dad hore u ahaa Sanam caabud iyo muslimiin. Aluma oo caan ku ah garaad badni iyo dulqaad waxa uu doodo dhinaca diinta ah la galay wadaaddo badan oo muslimiin ah, waxa lagu arkay in uu marar badan qirto marka doodaha lagaga adkaado.  Alume markii uu xaqqa garawsaday, hoos uma dhigin qiraalkiisa ee meel fagaare ah oo masiixiyiin badani isugu timid ayuu kaga dhawaaqay in uu rumeeyey diinta Islaamka isaga oo isla goobtaana kaga dhawaaqay in diinta Islaamku ay tahay xag iyo jidka dhabta ah.

Alume waxa uu ka haajiray xaaskiisii iyo ehelkiisii, waxa uu ka tanaasulay xilkii sare iyo darajadii uu ka hayey kaniisadda, kadib markii uu Alle maskaxdiisa u furay diinta nuurka iyo hanuunka. Aluma oo ka sheekeeyey wax yaabaha ugu waaweyn ee uu sabab uga dhigi karo fahamkiisa xaqqa iyo ka tegistiisa diinta masiixiga ayaa sheegay in uu muddo daraasad xeel dheer ku sameynayey, diinta masiixiga labadeeda qaybood ee loo yaqaanno cahdigii hore iyo cahdiga Cusub, baadhitaan badan oo uu labadan kitaab ku sameeyeyna uu ogaaday in Alle yahay keli ee aanu ahayn ka saddexeeya labada ilaah ee yaryar sida ay ku andacoodaan masiixiyiinta aaminsan in Ciise yahay ina Ilaah Maryan oo hooyadii ahna ay tahay Ilaah kale. Alume waxa uu sheegay in uu mad-habta Protestant-ka u adeegayey muddo ka badan 12 sano oo uu xilal kala duwan ka qabtay, kana kasbaday ammaanta ah in uu yahay nin aqoonyahan ah, waxa uu sheegay in waxyaabaha dadku ku sii xiiseeyeen sumcaddiisana sii dheereeyey ay ka mid tahay aqoontiisa fog ee uu u leeyahay mad-habtan iyo luuqadda ingiriisida oo uu sifiican ugu hadlo taasna ay u fududaysay in uu doodo badan oo dhinaca diinta ah ka qayb qaato, waxa aanu gaadhay heer lagu tilmaamo darajada loo yaqaanno diin fidiyaha aan xadka lahayn. Alume oo wax laga weydiiyey sida ay qoyskiisu u arkaan muslimnimadiisa waxa uu ku jawaabay, "Markii aan ku dhawaaqay in aan muslimay waxa iga tagtay xaaskaygii, oo aan dib igu so noqon illaa hadda, laakiin taasi wax niyad jab ah iguma ay keenin, ee waxa ay igu sii siyaadisay iimaan xooggan oo aan u qabo diinta islaamka.

Ehelkaygu waa wada masiixi, laakiin dib ayaan ugu noqonayaa, waan ku dhex noolaanayaa waanan u samo falayaa, waan ogahay in ay ka cadhaysan yihiin muslimnimadayda isla markaana aanay ka raalli ahayn sida aan wax u wado, laakiin waxa aan ugu duceeyaa in ay dhammaantood muslimaan. Illaa hadda afar ka mid ah walaalahay ayaa muslimay… waxa aanan ku dadaalayaa in aan kasbado hooyaday iyo aabahay oo aan weli muslimin" Alume waxa uu sheegay in markii uu muslimay ay la soo muslimeen 12 dhalinyaro ah, oo uu ku qanciyey aaminsanaantiisa cusbayd ee diinta muslimka. Alume waxa uu sheegay in uu dejinayo barnaamij uu ku doonayo in dadka masiixiyiinta ah uu ugu yeedho diinta islaamka, isaga oo sida uu sheegay si gaar ah u abbaari doona muslimiintii iyo sanam caabudkii uu marka hore diintooda ka soo galaaftay, sida uu sheegayna qaar badan oo kuwan ka mid ah ayaaba galay diinta Islaamka markii ay maqleen in sheekhoodii diinta masiixigu muslimay.

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa