Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Maamulkii SarakiishaTalineysey Ee Dalka Mexico Oo La Wada Xirxiray Darooga Awgeed

Wednesday - May 27, 2009

Mexico: Dawlada Mexico ayaa sheegtay in ay xbsiga u tabaxeen Saraakil sar sare oo ka tirsan Xukumada Dalka.

Tirada Saraakiisha ee la xiray aya dhan 27-qof kuwas oo loga Shakiyey in ay gacanta kula jiran Ganacisga Daroogada, waxaana warku intaa ku daraya in boqolaal saraakiil kale ah lagu tuhunsanyahay in iyagana ay ku lug leeyihiin ganacsiga daroogadaas oo ayba dhici karto in la soo qab qabto,waxaase tuhun iyadana aan la shaacin laga qaba wasiirada dawlada qaarkood oo lugta kula jira hawlahaas ganacsigooda

Sarakiisha sare Boliska ee wadanka Mexico ayaa sheegay in 10-ka mid ah dadka la xirxiray ay yihiin Duqa ama Mayorada Magalooyin ka mida Wadanka Mexico.

Madaxdaas badankooda waxaa laga soo qabtay Guri ay ku shirayeen oo ku yaal Gobolka Michoacan oo sida la sheegay ay ku gorfeynayeen arimahooda ka ganacsiga maandooriyaasha iyo sidi a ku sugilahaayeen nabadgalyadooda.