Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Fadiila Al- Digtoor Sh.Shuceyb Iyo Casharkii Baraarujinta Jimcaha " Cagaarshooga Ama Jaundice"

Thursday - May 28, 2009

Asalamu Aleykum, Waxaan ku bilaabayaa baraarujinta Jimcahan Magaca Allah iyo Saliga Suubanaha Maxaed N.N. Korkiisa ha ahaato, wuxuu ku saabsan yahay Guud ahaan Cudurada la isqaadsiiyo oo Soomaalida aad ay u taqaan kuna magcawdo Cagaarshow (Jaundice), ama Indhacaseeye. Cagaarshow ma aha cudur si gaar ah iskii u taagan, hase yeeshee waa calaamad ka mid ah kuwa lagu garto in Beerka ay gaartay waxyeelo,  waa astaan ka mid ah calaamadaha lagu garto cuduro fara badan ama kala duwan oo jirka aadmiga taabta ama waxyeelo u geysta, haba ugu bateen kuwa waxyeeleeya Beerka. Dhibka beerka gaara, oo ay keeni karaan sababo fara badan oo kala duwan, mida ugu badan ay tahay, kuwa ka yimaada noole, aad u yar oo aan isha qaban, loona yaqaan feyruus (Virus).  Kuwo badan oo ka mid ah firusyada, baa ku keeni kara beerka dhaawac, waxa ka mid ah: Hepatitis A, Hepatitis B, Hepatitis C, Hepatitis D (Delta Virus), Cytomegalovirus, Epstein-Barr Virus, Yellow fever (Qandhada Cas), Herpes Simplex midkan sida badan wuxuu afka u yeelaa agagaarkiisa bocoolo, Coxsakie Virus, Varicella-Zoster Virus oo sida badan keena cudurka Busbuska loo yaqaan iyo hurgun ku yimaada darafyada feeraha  ama qoorta oo bocoolo la socoto, xanuun daran iyo kaar ay u dheertahay bukaanka (Shingles). Sidoo kale dawooyinka  sida caadiga ah loo isticmaalo, kuwo badan oo ka mid ah, iyo Khamriga  ayaa gaarsiin kara waxyeelo oo ku keeni kara beerka hurgun (Hepatitis).

Cudurka loo yaqaan Cagaarshow, ama indhacaseeye, wuxuu ka mid yahay cudurada faafa oo la is qaadsiiyo, waxa sabab u ah noole yar oo lagu magcaabo Hepatitis Virus, dhowr nooc oo kala duwan baa dadka u keena Cudur. Inkastoo ay ku haboon tahay inaan soo bandhigo dhamaan cudurada ay keenaan virusyada beerka waxyeelada u geysta, waxaan si kooban uga hadlayaa nooca ugu baahsan oo loo yaqaan Hepatitis B oo marar badan waxyeelo ku reeba beerka ama sabab u noqda nooc ka mid ah kansarka beerka ku dhaca *Hepatoma*.  Waxa jira, nooc kale oo loo yaqaan Hepatitis A, wuxuu kaga duwan yahay midka hore sida la isu qaadsiiyo.

Midka hore waxa la isugu gudbiyaa dhiiga iyo dhacaamada kale ee jirka. Nooca feyruska (A) waxa la isugu gudbiyaa wadada afka iyo futada (Oro-faecal). Nooca loo yaqaan Hepatitis C oo horay loo oran Jiray (Hepatitis Non A–Non B), waxa isna la isugu gudbiyaa dhiiga, waana midka ugu badan ee qofka loo gudbiyo marka lagu shubo dhiig fadareysan oo virusku la socdo. Dhamaan cudurada ay keenaan noolayaasha kor ku xusan, waxey ka siman yihiin calaamadaha daahsan (Prodromal Symptoms) ee bukaanka iska dareemo inta  aysan kusoo shaac bixin calaamadaha u gaarka ah ee cudurka lagu gaarto. Kuwaa oo noqon kara kuwo jirka ka muuqda, ama lagu garto baaritaanka loo diro sheybaarka. Hurgunka Beerka (Hepatitis B) dadka uu ku dhoco cudurkan boqolkiiba shan (5%, waxey noqdaan kuwo si joogta ah u xambaarsan firuska keena cudurka oo jirkooda kama ciribtirmo, waxey u gudbin karaan qofkii aan horay ula fal gelin firuska, si gaar ah caruurta, iyo qofkii aan horay looga tilaalin.

Dadka uu ku dhoco cudurkan, waxa ay halis u yihiin in uur-weynaad ku dhoco, caloosha oo biyo fara badan ku hakato, midaana waxa sabab u ah, beerka oo si aad ah u bukooda (Cirrhosis of the Liver), waxa kaloo  noqdaa sababta ugu badan ee keeni karta kansarka beerka (Hepatoma) sida ay tilmaameen tirakoobka bukaanka uu ku dhacay cudurkan, intabadan waxey ugu gudbiyaan dariiqa dhiiga iyo dhacaanada kale ee jirka (Blood and Body Fluids), si gaar ah waxa khatartiisu ugu badan tahay dadka u baahan in si joogta ah loogu shubo dhiig sida Bukaanka qaba cudurka Hemophilia, dadka isku muda maan-dooriye (Drug Addicts), shaqaalaha ka shaqeeya caafimaadka, sida takhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka, iyo khaniisyada (Male Homosexuals). Sabab kale oo keeni karta cudurka waxa ka mid ah isu galka raga iyo dumarka oo midkood cudurka qabo, dadka qaada cudurka sida bada barkood lama xanuun sadaan, sidaa darteed waxa haboon in laga fogaado isu taga raga iyo dumarka aan sharciga aheyn *Zinada*, oo Allah xaaraan ka dhigay, kana digay ciqaabta uu mudanayo qofka sameeya inta uu aduunka joogo iyo mida akhiro u dambeysa hadii uusan ka toobad keeni oo Allah u noqon. Waxa kaloo cudurka lagu qaadaa isticmaalka cirbad bukaan qaba cudurka uu adeegsady, ama dheg durida loo sameeyo gabdhaha iyo haweenka marka aan aad loo nadiifin qalabka la isticaalo. Waxa si gaar ah uga digayaa dhegaha oo la durto sida ay sameeyaan dhinyarada maanta joogta iyada oo aan baahi loo qabin ee xarago laga doono sida dumarka. Waxa kaloo la isugu gudbin karaa Astaama lagu sameeyo jirka (Body Tatoo). Si looga nabad galo cudurkan waxa loo baahan yahay in la iska ilaaliyo cirbadaha la wada isticmaalo iyo wixii fool xun sida haweenka jirkooda iibsada (Prostitute) iyo wixii kaloo la mid ah. Waa inaan la fududeysan nadaafada qalabka loo isticmaalo xarumaha dadka lagu daweeyo sida Bukaan socodka iyo gargaarka deg dega.