Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Ha Ku Daayo Caashaqu...Qaraamigi Midnimada iyo Nicmadi Yaman Oo Ku Socota Fal-Falxumadi Soomaaliya

Friday - May 29, 2009

Yamen-Sanca: Huruuf, Calaacal, Guubaabo, Dhiilo iyo Xiiso Colaadeed oo lagu maleegaayo shiqoolo xagaldaacsan oo ah in Konfurta Yamen Ee Cadan ay ka goosato yamanta Waqooyiga Sanca ayaa sii xooli ah uga dhex socota bulshada Cadmeed,mana aha markii ugu horeysey ee dadka Cadan ay ku gaagaxaan iney ka go'aan dhinaca waqooyi oo ay markasta ku Eedeyaan maamulka Sanca u ku noqday hungo oo xitaa xuquuqdoodi iyo aayantiinkoodiba ay ka faramaroojeen hawraarsana laga waayey...1994 ayey Reer cadmeed isku dayeen gadood kacdon gooni-goosad ku lug leh, hasa ahaate gacan bira ayaa looga hortagay oo halac rasaaseed la leefsiiyey oo dabadeed dhagaha tagoogada gashadeen sidi iyagoo tuuga ah.

Khubaro isku-xoqxoqa kuna xeel dheer aqoonta arimaha Yaman ayaa odorasay in Yamenta Cadmeed oo xoriyadoodi helay 1967-1990 ay dhawaan ka bilaaban-doonto halgan hubeysan oo lagu doonaayo in looga goosto dawlada Sanca... Madaxweyne Cali Cabdala Saalax oo dhaq-dhaqaaqaas gooni-goosatka ay ku noqotay mashaakil ku furmay lama garankaro sida u markaan uga dabaalan-doono markii loo eego baaxda kacdoonka qorsheysan oo halkaas laga abaabulayo oo sida la sheegay ay ka dambeyso dawlado mandiqada ka ag dhaw oo dhaqaalle arinta kacdoonka ku bixiya... waxaana si gaar ah loo tuhmaa in xiisada gooni-istaagaan ay ka dambeyso imaarada Dubai oo xaga dhaqaalaha inu ka wareego ka walwal qabta siiba haddi dawlada yamani ay Marsada Cadan ka dhigto ganacsiga xorta, dabadeedna ay saameyn ku yeelankarto Dekada Dubai.