Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Fadiilat Al-Digtoor Sh. Shuceyb Oo Maanta Casharkiisa Ku Eegaya" Mucjisooyinka Quraanka Lagu..."

Thursday - July 2, 2009

Fadiilat Al- Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Maanta Casharkiisa Baraarujinta Jimcaha Ku Eegaya  Mucjisada Quraanka Kariimka Ee Casrigaan Iyo Kuwi Ka Horeeyaba... Marxab Marxab Ku Soo Dhawoo Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Bin Yusuf... Al-Amin, Abu Yuusuf.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim: Baraarujinta jimcahan waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga subanaha N.N.K. ha ahaato aniga oo kaga hadlayaa Mucjisada Quraamka kariimka ee casrigan iyo kii ka horeeyaya la arkay, ma ogtahay in qarnigan lagu jiro mucjisooyin badan oo ku saabsan Quranka kariimka ah la arkayo midaa oo markale cadeyneysa in diinta islaamka ah ee aan heysano iney tahay mida xaqa ah kitaabka quranka ahna uu yahay hadalkii Eebe weyne, Subanaha Mohamed (NNK ha ahaato) wuxuu  sheegay oo tilmaamay ay tahay wax loo waxyooday oo iska hadal ama mala awaal ay ka fogtahay. Dad badan oo inaga mid ah kuma cusba hadalkan, hase yeeshee ma ogtahay in nin takhtar ah oo baaritaan ku sameeyay ereyada quraanka uu ogaaday, markii shey lagu tilmaamo Quraanka uu jiro mid kaloo la mid ah oo u barbardhigma, tusaale usoo qaado tirada Raga lagu tilmaamamay iyo dumarka ay siman yihiin, hadaad qeexdo ereyga wax aad u adag ma aha in la garto si loo fahmo, marka naxwe ahaan loo fiirsho, hase yeeshee waxa cajiib ah intagoor ee quranka tilmaamay RAG iyo DUMAR waa isku mid oo wey isu dhigmaan, 24 goor baa ereygaa Rag lagu tilmaamay sidaa si la mid ah ereyga Dumar, Subhana Allah, sidaa darted naxwe ahaan oo keli ah ma aha ee xissab ahaan waa isku mid, waxa ayna la mid tahay saacadaha maalintii oo ah 24.

Hadaad u fiirsato ama aad qeexdo quranka kariimka ah waxaad arkeysaa iney joogto tahay sinaantaa, masalo kale soo qaado ereyo badan oo carabiga ka mid ah oo ku qoran Kitaabka barakeysa u fiirso inta goor ee la carab dhebay sida ay isugu dhigmaan oo u siman yihiin: Ereyga Dunya oo ah aduunka 115 goor baad ku arki sidoo kale Akhira 115, Malaika oo aan marna Allah amarkiisa jebin waxa lagu tilmaamay 88 goor, sidoo kale Sheydan oo Allah ku caasiyay amarkiisa diiday qofkana cadow kaga daran uusan jirin waxa lagu tilmaamay 88 goor, Nolosha waxa lagu tilmaamay 145 goor, sidoo kale Dhimashada 145 goor, Ibliis waxa lagu tilmaamay oo ah boqorka sheydan oo dhan 11, Magan gelyo laga weydisto Allah weyne sidoo kale waxa lagu tilmaamay 11 goor, Musiibo 75 sidoo kale Allah oo loo mahad cesho 75, Sadaqa oo la baxsho 73 goor Raalinimo laga muto 73 goor, Dad dariiqa wanaagsan laga leexsho 17 goor, sidoo kale Dad geeriyooda 17, Muslimiin 41 goor sidoo kale Jihaad 41, Dahab 8 goor, sidoo kale nolol sahlan 8 goor, Zakat 32 goor baa lagu tilmaamay, Barako maalka iyo tiradiisa oo korodha 32 goor, Dhibaato 114, sidoo kale sabur loo sabro 114. Intaa oo qura kuma eka mucjisada laga heli karo Quraanka kariimka ah ee waxa jira kuwo kaloo badan oo horay loo arkay culimada aqoonta kala duwan u kuur gasha ay tilmaameen iyo kuwo mustaqbalka soo shaac bixi doona, dhowaana dalka talyaaniga takhaatiirta waxey sheegeen markii ay baritaan ay u kuur galeen sameeyeen in dadka qaba xanuunka dhiig karka marka ay dhageystaan Quraanka uu wax weyn hoos u dhigaayo dhiigii kacsanaa.  Midaa mid la mid ahna hada ka hor laga sheegay dalka mareykanka bukaan qaba cudurada Kansarka oo laga quustay markii la maqal siiyay Quraanka ay si weyn wax uga bedeshay caafimaadkooda guud, hoosna u dhigtay dawada Maandooriyaha ah ee loo siin jiray si xanuunka looga bi'iyo, Subhana Allah, qofkii horay u akhristay Quraanka wuxuu garanayaa in Allah noogu tilmaamay inuu u yahay Dawo iyo naxariis kuwa Allah aaminay oo rumeeyay Suubanaha NNK ha ahaato.

Waxaase ugu yaab badan inta goor ee Ereyga Salad lagu tilmaamay 5 goor oo u dhiganta wakhtiyada qofka muslimka ah laga rabo maalintii inuu tukado, sidoo kale Bilaha 12 oo ah sida aan la socono tirade la tirsho sanadkii, iyo Maalin oo lagu tilmaamay 365 goor, Bad 32 goor, sidoo kale dhul 13 goor, marka aad isu geyso waxa ay noqon 32 + 13 = 45 markaa ka dib hadii aad u qeybiso 32/45 oo aad ku dhufato 100 waxa kuusoo baxaya 71. 111% oo ah inta aduunka aan ku noolnahay biyaha ay daboolaan, sidoo kale hadii aa sidaa si la mid ah sameyso 13/45 x 100 waxa kusoo baxaya 28.888% oo u dhiganta inta aduunka aan ku nool nahay yaabiska ah, markaa ka dib hadii aad isugeyso 71.111 + 28.888 waxa kusoo baxaya tirada ah 100%  sida ay sheegeen culimada ku xeel dheer Joqoraafiyada ee casriga.