Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Muslimiiinta mareykanka

Friday - July 3, 2009

Muslimiinta Maraykanka Oo 100,000 oo Kitaabka Quraanka Kariimka ugu deeqay Hogaamiyayaasha Maraykanka.

DUBAI -Al Arabiya- Olole ballaadhan oo gudida xidhiidhka Islaamiga wadeen ayaa waxay guddonsadeen 100,000 oo Musxaf ee Quraanka Kariimka oo la siinayo hogaamiyaayaasha iyo saraakiisha loo doortey wadanka Maraykanka.Qudbadii Madaxweynaha Maraykanku ka jeediyey Wadanka Masar taasoo rabay in Wadamada Reer-galbeedka Iyo Barigu yeeshaan xidhiin wanaagsan, diimahana la qadariyo, islamarkaana uu hadaladiisa soo qaatey aayado ka mida Quraanka Kariimka, ayaa waxa halkaasi ay ka bilaabeen Gudida Xidhiidhka Islaamka (CAIR) Olole halkudhigiisu ahaa “share the Quran”

Wararku waxay tibaaxayaan ololahan ku waajahan wadanka Maraykanka sidii diinta Islaamka u baran lahaayeen aqoonyahanada Maraykanku sidia xuquuqda aadanaha, qiyamka wanaagsan, akhlaaqda, nidaamka iyo sinaanta dadka ayaa gudoomiyaha guud ee gudida CAIR Nihad Awad u sheegay Jariidada Washington Post in ay jiraan dad badan oo aan Islaamka waxba ka aqoon, taasina wax weyn ka bedeli doonto muhiimadda diinta Islaamku u leedahay Aadanaha dunidan ku nool.

Mohamud Hussein

Oodweynenews.com/ Finland

Muslimiinta Maraykanka Oo 100,000 oo Kitaabka Quraanka Kariimka ugu deeqay Hogaamiyayaasha Maraykanka. 
 
DUBAI -Al Arabiya (Oodweynenews)- Olole ballaadhan oo gudida xidhiidhka Islaamiga wadeen ayaa waxay guddonsadeen 100,000 oo Musxaf ee Quraanka Kariimka oo la siinayo hogaamiyaayaasha iyo saraakiisha loo doortey wadanka Maraykanka.

Qudbadii Madaxweynaha Maraykanku ka jeediyey Wadanka Masar taasoo rabay in Wadamada Reer-galbeedka Iyo Barigu yeeshaan xidhiin wanaagsan, diimahana la qadariyo, islamarkaana uu hadaladiisa soo qaatey aayado ka mida Quraanka Kariimka, ayaa waxa halkaasi ay ka bilaabeen Gudida Xidhiidhka Islaamka (CAIR) Olole halkudhigiisu ahaa “share the Quran”