Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Nimankii Dafiray Kitaabka Oo Lagu Wado Iney Qaataan Qawlki ILaah Iyo Xeerkii Abu-Qaasim CSW U Dhigay

Friday - July 3, 2009

Hogaamiyaashi Mareykanka Macatabyada Xirnaa Ee Horay U Dafiray Kitaabka Alle Oo Maanta Ay Soo Gaartay Xili Lagu Wado Iney Qaataan Qawlkii ILaah Iyo Xeerkii Abu-Qaasim CSW U Dhigay  

Diinta Islaamku Mid Weye... Caalamkuna Islam Miiran Weye Inkasto Muumin-nimadisu Mad-Madow Ku Jiro Oo Maanta Culimadi Iyo Ehelkiiba La Jiiraayo.... Walbahaarka Aakhiro In Loo Tacbado Weeye... Khuraafi Ma Fiicna Waase In Warac la Noqdo... Wadadka-se Ma Xuma In Wan Loo Qalo Oo U Balaayada Xijaabo...Waxaa Hoog Leh Nin Aakhiro Iyo Xaaleeda Kaga Mashquulay Qabiil Iyo Qooq...Naftiina Qol Galiya Oo Ku Soo Dabaala Diinta... Musllimow Guntada Waa Galin-Dambeedkiiye.

Dubai : Olole Asluubeysan oo si Qorsheysan loo abaabulay aya gudida xiriirka Islaamiga wadanka Mareykanka ee loo yaqaan "CAIR" waayahaan ay wadeen iyagoo guddonsiiyey 500,000 Musxafka Quraanka Kariimka oo la siinayo Hogaamiyaasha iyo Saraakiisha loo doortey wadanka Maraykanka.

Fursad ayey ahayd khudbadi Madaxweynaha Maraykanka Mr Obama u ka jeediyey Wadanka Masar taasoo u ku doonaayey in Wadamada Reer-galbeedka Iyo Barigu yeeshaan xiriir wanaagsan, diimahana la qadariyo, isla-markaana uu hadaladiisa ku soo qaatay aayado ka mida Quraanka Kariimka, ayaa waxa halkaasi ay ka bilaabeen Gudida Xiriirka Islaamka (CAIR) Olole hal-kudhagiisu  yahay "share the Quran"