Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Ciidamada AMISOM Oo Dibada Uga Soo Baxay Qasriga Iyo Sh. Shariif Oo Raba Inu Badasho Hooyigiisa

Sunday - July 5, 2009

Mogadisho: Ciidamada AMISOM ee difaaca u ah Dowladda KMG ayaa banaanka hore ugu soo baxay Xarunta Madaxtooyada ee ay ku sugnaayeen, kadib markii xoogaga mucaaradka ay si aad ah ugu soo dhowaadeen taasoo ka dambeysay markii la soo jiiray Maleeshiyadi Ciidamada Dowladda.

Diyaar garow iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa Ciidamada AMISOM kadib markii xoogaga Mucaaradka ay in badan oo ka mid ah wadooyinka iyo xaafadaha kulaala madaxtooyada ay isku soo dhiririyeen.

Ciidamada Dowladda ayaa wali horay u socon la' marka laga reebo xoogaga mucaaradka oo ku soo durgaya, waxaana ay qaati u la'yihiin xakameynta weerarada nafhurnimada kooxaha mucaaradka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM markii ay dareemeen in la soo kuusayo ciidamada dowladda ay banaanka hore ay u soo baxeen iyagoo wata taangi-yadooda.

Degmada Wardhiigley oo ay ku taalo Xarunta Madaxtooyada isla markaana ah halka uu hunguriga kaga jiro kooxaha mucaaradka ayaa waxaa xaafadaha ku dhow sida Boondheere soo gaaray Ciidamada AMISOM.

Dhinaca kale warar ayaa isla tibaaxaya in Madaxweynaha Shiikh Shariif Iyo Golaha wasiiradaba ay u guuridoonaan meel aan weli la cayimin oo dalka gudihiisa ah.