Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

" Waraabey Beesadi Madax Uga Dhigeen Walaxna Reebeyn" Sidaa Waxaa Yiri Wasiiro Careysan Oo .........

Monday - July 6, 2009

Muqdisho: Warar loo qaateen ah oo Rasmi u dhaw Ayaa maalmahaan la isla dhex maraya...warkaas oo sheegaya in khilaaf aan xal-lahayn u ka dhex socdo Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo xubno sida maroodiga u miisaan culus oo ka tirsan golihiisa wasiirada laakiin hadda u muuqda kwa aan xoogooda laan geed ku jabi karin. 
Warku waxuu carbaabaya in muddooyinkaan u dambeeyay jiray khilaaf waqtiba waqtiga ka dambeeya sii kobcayay oo ka dhex oogmay Shiikh Shariif iyo Saddex ka mid ah golahiisa wasiirada, oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha Shiikh Cabduqaadir Cali Cumar Iyo Cabduqaadir Janaqow oo Ah Wasiirka Cadaalada iyo kan arimaha dibada Maxamed Cabdulaahi Oomaar... waxaase warku intaa ku daraya in ay jiraan amase la arkay wasiiro badan oo iyagana colaad darteed dibinta u ruugaaya shariifka kuna tilmaamay inu yahay nin caqliga doon laga saaray  waayo aragnimadiisana aysan ku fileyn,waxayna aad u dhaliilaan Qaraamiga labada shariif oo awoodi dawlada kala faquuqtay hagardaamana ku noqotay.

Wararkaan oo iminka soo gaaray heer si weyn la isula dhex marayo magaalooyinka Muqdisho, Mareykanka iyo Nayrobi, waxa uu xoogiisa soo shaac baxay ka dib markii warbaahinta laga waayay Wasiirada daakhiliga iyo cadaaladda, kuwaas oo xilliyadii dawladan Shariif la aasaasay ahaa ragga ugu firfircoon ee inta badan u jawaabi jiray kooxaha mucaaradka, waxayna labada wasiir ay qabaan dareen tuhun in Shariif Sakiin "luga dhuub" u wado talaabooyin ulakac tafaraaruq.

Labadaas wasiir Gaar ahaan wasiirka gudaha Shiikh Cabduqaadir Cali Cumar ayaa mar u waramaayey rag xigtadiisa oo u talada la qaato laga xigtay war ah:" Rag kaa faqay iyo meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco...waraabey beesadi madax uga dhigeen wlaxna reebeyn ee Shariifyada Raali ha iga ahaadaan"

Wasiirka Arrimaha gudaha oo mar ka badbaaday qarax miino oo ay mucaaradku la beegsadeen ayaa la sheegay inaanu la dhacsanayn hawgalada Shiikh Shariif ee la xariira dagaalada Muqdisho ka socda, waxaanay taasi sababtay inuu wasiirku dhimo dhaqdhaqaaqiisii hawgalo u ka sameyn-jiray Mogadisho oo u maanta badanaa hooygiisa iska joogo isagoo ku guuxaya "Shariifow wacadkii ilaahay ku qabay iyo kii walaalnimo.... Sido kale Wasiirka cadaaladda Cabdiraxmaan Janaqow ayaa isna la sheegay inuu Shiikh Shariif ku amray inuu joojiyo shirarka jaraa’id ee uu hore u qaban jiray isagoo u jawaabayay mucaaradka hubaysan ee Muqdisho ku sugan.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo ka mid ah raga tirada yar ee ka soo jeeda dhalasho ahaan Soomaliland balse la dhacsan aragtida nidaamka federaalka, ayaa isna la xaqiijinayaa inaanu xiriirkoodu usan wanaagsanayn iyadoo la ogsoonyahay in inta badan ee Awoodii Wasiir Oomaar u dhinac ka haysto Raysal-wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Sakiin Xasan "lugo-dhuub" oo ay saaxiibo dhow yihiin una sanduleysan Shiikh Shariif Shiikh Axmed,waxaana Tusaale ahaan noqonkarta warqad shaki badan abuurtay oo uu dhawaan Shiikh Shariif u diray Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi waxa loo dhiibay Shariif Sakiin Xasan.