Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Daaweynta Hargabka-Doofaarka Oo Lagu Guuleystey

Tuesday - July 7, 2009

Hay'adda Europe u qaabilsan daaweynta (EMEA) ayaa u aqoonsatay Labada Shariikadood ee Roche iyo Glaxo SmithKline inay daaha ka rogeen soo bandhigista laba nooc oo daawo ah (Tamiflu iyo Relenza). Kuwaa soo si fudud loogu daweyn karo Hargabka-doofaarka.

Cudurka Durayga Doofaarku wuxuu sifudud ugu gudbi karaa sida Durayga caadiga ah ay ukala qaadaan Dadku wuxuuse kaga duwanyahay in noocani ukala talaabi karo Dadka iyo Duunyada hadii ay meel kukulmaan ama neeftoodu isgaadho ama isku qufacaan,maadaama Viruska cudurkani kugudbo nooc mina qidcado yaryar oo xambaarsan Viruska oo hawada raaca

Siyaabaha ugu fudud ee lagaga baaqan karo cudurkani waxba kama duwana sida kuwa dureyga caadiga ah Sida:

Gacmaha oo Biyo dareeraya iyo Saabuun lagu maydho mudo sodon daqiiqo ah.
Inaanad Hindhisada u isticmaalin gacmahaaga iyo goobaha Dadku kula joogo.
Inaanad marar badan isticmaalin hal Masar.
In si waafi ah loo laydhiyo Guryaha iyo weliba Dhismayaasha lagu kulmo..

Calaamadaha lagu garto:

Dareen Xanuun oo si kediso ah kuula soo dersa,
Xumad > 38 ° C iyo qadh-qadhyo isu kaa bedela,
Hindhiso iyo Sankoo ku xidhma ,
Cunaha oo ku xanuuna,
Qufac iyo adoo Neef qabatooba,
Muruqyada,Xubnaha laabma iyo Madaxa oo ku xanuuna.
Sida maqaalkan hoos ku xusan lagu faafiyey Viruska Durayga-doofaarka oo marka loo abtirinayo Virusyada layaqaano kagala nooca H1N1-Virus way adagtahay in cidii iska talaashay Hargabka culus Sanadkii lasoo dhaafay (Talaal cid kasta oo Germany ku nooli xaquleeday inay iska talaasho) ku dhaco Durayga-doofaarku,maadaama ay talaalkaas kujiro Maado hakinaysa ama baajinaysa inuu kaaxoog badiyo Viruska Durayga-doofaarku.in kasta oo mudo 3 ilaa 6 Bilood guduhood lagu dhaqan gelin doono Talaal u khaas ah Xanuunkan.

Sikasta arinku ha ahaadee waxaa Xanuunkan si dhamaystiran loogu daweyn karaa labada nooc ee lidka-viruska ee loo yaqaan Tamiflu iyo Relenza oo ay soo kala saareen Labada Shariikadood ee Roche iyo GlaxoSmithKline labada nooc midoodna looma gadan karo sicaadi ah iyadoon Dhakhtar kuu qorin iyo weliba iyadoo marka laqaadanayo aan meesha laga saarin goob joognimada Dhakhtar aqoon u leh hab-dhaqanka Virusyada,maadaama aan meesha laga saarin hadii Qofku iskii isugu daweeyo ay dhici karto in ay kusoo hoos dhuuntaan Virusyo kale oo aan la aqoon iska caabis sarena leh,sidaa awgeed waxay geleyaan labadan Dawo Xeerka u yaala Dalka Jarmalka derejada koobaad ee isticmaalka dawooyinka

http://cms.urv.de/web/html/privat/ratgeber/schweine-grippe/
Tamiflu® waxaa qaadan kara caruurta da'doodu kahoosayso hal Sano (Dabcan iyadoo aad loola soconayo xaalada ilmuhu kusugan yahay mar walba),waxaa kale oo loo ogol yahay Dumarka uurka leh iyo kuwa Ubadka Naaska nuujinaya.

Sidoo kale waxaa loo ogol yahay Dawada Relenza® inay qaataan Dumarka uurka leh iyo kuwa Ubadka nuujinayaaba