Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Dawlada China Oo Dirqi Iyo kax ka Taagan Kacdoon Ay Hor-boodeyso Hooyo Musllim Ah

Wednesday - July 8, 2009

Washinton : Ruuxay ku dhalato kacdoon hurdada waa u ka taga...Hooyo u dhalatay Dalka China oo musllim ah aya halku-dhag ka dhigatay ereyga " Nabarkaad U Dagantahay Eegmo Kuma Daawoobo, Boogna Hadal Ma Dhaqo"... Halyeeyda kacaanku u hilaacay oo magaceeda la yiraahdo Rabiica Qadiir oo ka soo jeeda Qoomiyada musllinka China ee ku magac dheer " Uiqhurs" ayaa si aan cabsi lahayn ku micyo adeegtay iney xuquuqda shacabkeeda u halganto oo xabsiga weyn ay ummadaas ku oodan tahay laga qaado iyo xaalada maciisho ay ku noolyihiina wax laga badalo.

Halyeyda Rabiica Qaadiir oo dawlada Shiinaha Ku Eedeyso iney ka dambeyso fadqalalada gulufka- colaadeed ee maanta gilgilay gobolkaas la yirahdo "Shinjiyang" ayaa iminka ay ku nooshahay cariga Mareykanka kadib markii si mixnad badan ay dalkeeda uga soo baxsatay ilaa iyo waqtigaasna iyo maanta oo la joogana cirid kulul iyo cagaag Roor ayey ugu jirtay si ay Qoonkeeda muslinka ugu joojiso halaaga iyo qoor-gooyada xeerka looga dhigay.

 Geesiyada Rabiica Qaadiir oo dalka shiinaha ka ahayd maalqabeen mash-huur ah... waxyaabaha gobolkeeda looga xasuusto waxaa ka mid ah deeqsiyad caawisa bulshada jilicsan iyo gaar ahaan meelaha muhiimka ah sida Malcamadaha,Cusbitaalada iyo goobaha adeega guud ee bulshada

Rabiica Qadiir waxay gudinteeda u soofeysatay iney la hor-istaagto Kuwa Qoomiyadeeda nigiska ka siibtay dibadana u saaray oo hantidoodi macdanta iyo shidaalka ka af qabtay. Rabiica waxay dhalatay 1947 waa 62 jir...mudo 6 sano ayey ku jirtay xabsiga Shiinha oo quud looga dhigi jiray hilibka khaanziirada baqtiyey... waxaa la seexin jiray dhul gaxandho ah iyo majaaniin la seexata oo qandhuufo habeen walba kala daasha si ay u hurdo beesho... kharaar ayaa xabsiga lagu tusay xita aan la mala-awaalikarin.