Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Anaga Iyo Faraskayaga

Friday - July 31, 2009

Farasku waa xayawaanka ugu tayada badan, Xayaawanada aduunka oo dhan waxaa loo adeegsadaa, waxyaalo farabadan marka laga hadlaayo wakhtiyadii hore waxaa lagu dagaal gali jiraay faras... hadaanad faras lahaayn dagaalku muu ahaan jirin mid suura galayaa, waa tayada 1aad ee uu lahaa farasku,tayada kale ee uu leyahaay faraasku ma xiiqo 150 sacaadood ayuu ordi karaa, hadii hubka aad sidataa uu ka dhamaado.

farasku wuu ku difaaci karaa,oo labada lugood ayuu wax ku dilaa, farasku wuu ka qurux badan yahaay xayaawanada kale oo dhan, waanu ka geesi san yahaay waxaana cadeyneysa, sida uu marka dagaalka lagu jiro aanu dib ugu soo labanaayn, waana xayawaanka kaliya ee marka la dagaalamayaao,aan dib u noqonin, ninka faraska wataa iyo ka aan wadaan waxaa marwalba gulaystaa,ninka faraska wataah.

Dagaalada wakhtiyadii hore markaa geella la dhacaayo, wuxuu ahaa xayawaanka lagu weraar taago, Xitaa marka Ninka boqorka ah la amanaayo,waxaa lagu amaani jiraay wuxuu wataa faras iyo gashaan, sidoo kale markaa geesi la amaanaayo,waxaa lagu amaani jiraay hadba sida uu qalabka uu sito, faraska,waran,gashaan, Iminka lakiin tayadii uu lahaan jiraay farasku, wuxuu yeshaay tayo ka wanaagsan, waxaa loo adeegsadaa ciyaaro farabadan,waxaana uu ka mid yahaay, waxyaalaha caalamka lagu tartamo,laguna kala helo khamaarka, sida tartanka faradaha, sida Ciyaarta faraska, Gambalingka ah ee khamaarka ah.