Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Abu Yaxye Oo Ugu Baaqay Kooxa Diimeedka Mogadisho In Ay Daacad U Dagaalamaan Ee Aanay........

Sunday - August 2, 2009

Hogaamiye Sare oo ka tirsan Ururka Al-qaacida ayaa ugu baaqay Kooxaha Mujaahidiinta ee ku sugan gudaha dalka Somalia inay dagaalkooda ka dhigaan mid u daacad ah Jihaadka saxda ah, oo uusan noqon mid Xukun-doon ah.

Abuu Yaxya Al-Liibi oo ka mid ah Taliyayaasha Sarsare ee Ururka Al-qaacida, ayaa hadalkaasi ku sheegay Cajallad Muuqqaal ah oo uu soo dhigay Barta Internet-ka , wuxuuna Talo siiyey Mujaahidiinta ku sugan gudaha dalka Somalia ee dagaalka kula jirta DFKMGS iyo Ciiddamadda Nabad-ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika ee AMISOM.

Cajalladda Muuqaalka ee uu uu Taliyahaasi soo dhigay Barta Internet-ka ay Ururka Al-qaacida ku leeyihiin oo muddo 40-daqiiqo socotay, waxa uu Cinwaan kaga dhigay “Darruurta Jiillaalka waxay leedahay Kala-qeybsanaan”.

Abuu Yaxya Al-Liibi, waxa uu Cajalladiisa ku xusay inuu ku boorinayo Dagaalyahannadda Mujaahidiinta inuu daacad ka ahaado Dagaalka Jihaadka ee ay kula jiraan DFKMGS iyo Ciiddamadda AMISIOM, wuxuuna intaasi ku daray inay Dagaalkooda asaas uga dhigaan Diinta Islaamka, oo aysan noqonin kuwa u dagaalamaya Xukun-doon, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kaloo uu ugu baaqay Kooxaha Mukhaawamadda inay Dagaalyahannadda Shisheeyaha soo dhaweeyaan, oo ay dhexdooda ku sugnaadaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda dagaalka Jihaadka ee ay Mujaahidiinta kula dagaalamayaan DFKMGS, waa sida uu hadala u yiri Abuu Yaxya Al-Liibi.

Hoggaamiyahaasi oo u dhashay dalka Liibiya, wuuxuna ku tilmaamay Dowladda Federalka Somalia in lagu dhisay Mashruuc Shirqool oo ay Reer Galbeedka wataan, oo looga soo horkeeno Dhismaha Dowladdo la isku waafaqsan yahay oo ka hanaqaada Duinida Islaamka.

Cajalladda uu Abuu Yaxya Al-Liibi oo ka mid ah Taliyayaasha Sarsare ee Ururka Al-qaacida, soo dhigay Barta Internet-ka, waxa uu ku soo beegmay dhowr maalmood kadib, Wareysi uu Madaxweynaha DFKMGS, Sheekh Shariif Sheekh Axmed siiyey Wargeyska “The New Vision “ ee ka soo baxa dalka Uganda, kaasi oo uu ku sheegay in Dagaalyahannadda Shisheeyaha ee ku sugan dalka Somalia uu hoggaaminayo Abuu Yaxya Al-Liibi oo u dhashay dalka Liibiya, kuna tilmaamay inuu yahay U-qeybsanaha Hoggaanka Sare ee Al-qaacida ee Mandiqadda Geeska Afrika.