Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Hubsasho Iyo Runti Oo Laga Habaabay Iyo Kulanka Saraakiishi Hore Ee Xooga Dalka

Sunday - August 2, 2009

Washinton: Kullanka Saraakiishii hore ee Ciidamada Xoogaga dalka Soomaaliya uga socda Magaalada Washington ee Cariga Dalka Maraykanka ayaa galay Maalintiisi Sadexaad, isla markaana loo doortay Col. Cabdiraxmaan Shiikh Ciise Afhayeenka Cusub oo ay yeeshaann Saraakiishaasi... sarkaalkaas oo ahaan jiray markii ugu dambeysey madaxa hogaanka arimaha dibada, waana sarkaalkii sida la yaabka leh uga badbaaday toogasho kadib markii u ka qayb qaatay inqilaabkii dhicisoobay ee General Salaad Gabeyre,waxaasa ku hagoogtay Siyaad Barre oo u arkay sarkaal da' yar oo nin ka weyn duufsaday. waxuuna u ahaa Salaad Gabeyre xoghaynitiisa gaarka ah... wuxuu kalo ahaa Cabdiramaan sarkaalkii baabuurka la saarnaa marxuum Col. Daahir Khalif Xaashi markii xabada ay ku dhaceysey, waa saaxibka gaarka ah oo ay faq wada yeeshaan General Cali Samantar. 

Saraakiisha meesha timid waxaa ugu darajo sareeya General Maxaned Cali Samantar oo xilal kala duwan hogaankii dalka wax ka soo qabtay hasa ahaate ma ahaa iminka nin caafimaadkiisa awgeed hawl qabankara, si joogtana shirarka kama qayb qaadan karo talooyin mooye oo labadiisa kelyood ayaa Qaraxsan waxuuna hadda ku jira processkii caafimaad ee kelyahaas looga badali lahaa.

Arinta soo xulida saraakiisha sida la sheegay isagu waa Cali Samantare waa u saluugay ayaa la yiri oo nin eed ka carar ah ayuu isu muujiyey, laakiin waxaa la carbaabay in xulka isagu markuu maskaxdiisa rog-rogay u meesha ka soo buuxiyey saraakiishi saaxiibadiis hore ee la magac baxday "Dastuuriga" oo afgambiga la dooneysey Siyaad Bare waqtiyadi u shilka galay 1985-tii Sacuudigana loo qaaday...

Sida sheekada u dhaceyso shirka looma yeerin saraakiishi General Cali Samantar waqtigaas ka soo horjeedi-jirtay ee iyaguna xiligaas la baxay "tuutaaley" oo General Maslax Maxamed Siyaad madaxa ka ahaa,taasna waxay keentay Aakiru tahankii in General Maslax loo magacaabo Taliyihi Xooga Dalka...laakiin kooxdi Dastuuriga oo u horkacayey General Cali Samantar oo aan xilalkii talisyada hoogaamada laga qaadin halkii ayey sheekadi afgambiga ka sii wadeen oo markaan waxay door bideen iney ciidamada sidi tusbax go'ay u kala diraan ,waana ku guuleysteen illaa Askari laga waayey xeryihii ciidamada oo ay ku biireen kacdoomadi qabaaiil ee Mogdisho ka dhacay... Saraakiishi Dastuuriga intaas kuma ekaan balse waxay sahleen oo kale in hubkii qaranka u gacanti shacabka galo, lakiinse ugu dambeyn saraakiishaas yoolkoodi iyo qorshahoodi ma ay calfan oo waxay noqdeen kuwa taraq ku tuuray halkay gogoshu u tiil.

Shirkaan qabashadiisa muddo toban sano ayaa saraakiil kooban oo Washinton DC degan ay ugu jireen qal-qaalo shirkaan oo kale iyagoo horay dhawr jeer kala xariireen hawlwadeeno dawlada Mareykanka si ay dayaafad dantooda gaarka uga helaan, hasa ahate muddo kadib mareykanka marku raad raacay taariikhdooda, arkayna ineysan micno badan lahayn albaabada ayuu ka xirtay, laakiin saraakiishaas intaas kuma ay joogsane waxay sheekadi ka gadeen Walad Cabdala oo isagu talaabadu qaadaba jecel inu tiro ka macaasho, hadana waxay u fadhiyaan in la magaacaabo guddi ay koox iyaga ka mida ku jiraan oo Walad Cabdala kala talisa nabadgalyada Soomaaliya waana ujeedada kaliya ay ka leeyihiin shirka ee ma aha dan Soomaali.

Shirka waxaa kalo laga casumay Generaal Maxamed Nuur Galaal oo saraakiisha u yaqaaniin Aabaha kas-xumida oo ilaaq iyo is-maqiiq isku cajibiya, waxkastaba u ahaadaba xaalkiisu iyo sarkaal-nimadiisa waxay dhimatay markuu ka qayb galay loolankii qabyaaladeed ee Mogdisho la isku xasuuqay, waana sarkaal saaxiibnimo wanaagsan ay ka dhaxeyso General Maxamed Cali Samantar

General Saciid Dheere oo dalka ka baxsaday isagoo Sadex alifle ah, oo dabadeed dagaaladi Jabhada SSDF u hogaaminaayey Casharadi u ka soo maray ku helay dalcaado sar sare oo markii dambana ku qaatay General xiligi madaxtinimada Cabdulaahi Yuusuf ayaa isagana laga soo qayb galiyey shirka dheeli-tir ahaan maa daama la waayey saraakiil beesha Majeerteen dibadaha iyo gudaha ka jooga oo la garankaro...Saraakiisha shiirka joogta waa in ka badan afartaneeyo oo dhamaan halka laguma wada soo qaadikaro waxayse koleyba aan ka marneyn iney ku jiraan  saraakiil waqtigoodi ku soo qaatay qayb ka qaadashadai dagaalkii sokeeye sida General Caarre.

Kullankan oo ay iminka soo agaasimeen Xafiisyada Siyaasada Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya iyo kooxdi saraakiisha dastuuriga ee General Maxamed Cali Samantar ayaa la filayaa in uu si xariir ah u socdo ilaa maalinta Arbacada oo ku began 5-Bisha August.
Col: C/raxmaan Shiikh Ciise oo loo doortay in uu noqdo Afhayeenka Cusub oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in mudada uu socdo kullankaasi Saraakiishii hore ee Ciidamada dalka Soomaaliya isku dhaafsan doonaan fikaradooyin kala duwan, taasoo ku tacluqda sidii dib u howlgelid loogu samayn lahaa Hay’adihii Amniga Qaranka Soomaaliya.