Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Qiiso Cajiiba Iyo Talo Ruuxi Aan Qurbe Ku Qanacsaneyn By Yaasiin Xogdoone

Monday - August 3, 2009

Maalin baa anagoo dhowr Soomaali ah waxa noo sheekeysey gabar Swedish ah, gabadhan oo waqti dheer ka shaqayneysey arimaha ajaanibka, aadna u jeceleyd ajaanibka, aakhirkiina guursatey inan Greek ah. Waxay maalintaa nooga sheekeysey qiso cajiiba oo ku dhacdey odey dalka Sweden yimi 40 sano ka hor. Aakhirkii qisada qisada ayay na siisey talo runtii wax ku ool ahayd, oo quseysa cid walba oon ku qanacsanayn nolosha qurbaha, ku hamiyaya inay ku noqdaan dalkooda hooyo.

Nimaan Niyada Marnaba Ka Degin

Waxaa jira odeygan gabadhan la deris ah oo 68 sano jir. Odeygan ayaa waxa uu uga sheekeeyey qisadii ka qabsatey imaanshihiisii Sweden iyo wuxuu ku hamiyi jirey. Odeygan ayaa waxaa uu kamid ahaa dadkii ay shirakadaha Swedishku shaqaale ahaan uga soo qorteen tuulo kamida Greeka sanadkii 1960kii. Markii uu yimi dalka Sweden, isagoo 24 jir ah, ayaa markiiba hore laga geeyey shirkad Taayarada Baabuurta sameysa. Waxaan xitaa jaanis loo siin in uu luqada ku barto, isaga iyo intii la socoteyba, madaama shaqaalo yari xun ay ka jirtey wadanka Sweden berigaa.

Markii uu 10 sano oo xidhiidha shaqaynayay, ayuu ku noqdey dalkiisii kana soo guursadey gabadh Greek ah. Gabadhii uu soo guursadey ayuu keeney Sweden kana dhigey guri joogto, madaama uu u sheegey inay dalka Sweden sii joogi doonaan uun 10 sano oo kale, oo ay ka aruursadaan lacag yar, kadibana dib ugu noqon doonaan tuuladoodii Greeka ku taaley. Waxaanuu u sheegey xaaskiisii inaaney u baahneyn inay xitaa barato luqada Swedhishka, madaama aaney ka anfici doonin Greeka. Sanadkii koowaad waxaa u dhashey wiil, sanadkii kaa ku xigeyna waxaa u dhashey gabar.

Odeygan iyo xaaskiisii ayaa bilaabey lacag aruuris ay aqal cad oo wacan uga dhistaan Greeka. Waxaa sidaa ku tagay 10 sano, waxaa ay labadii caruura ahaa bilaabeen dugsigii dhexe. Waxaa hantidii uu uruuriyey badhkeed lagu iibiyey dhul aad u balaaran oo tuuladiisii ah, kuna sii jeeda bada. Odeygii waxaa u suurto gali waysey inuu inuu isla markaaba dhisme ku bilaabo dhulkii isagoon lacagta dhismaha wada hayn. Waxaay dib u bilaabeen lacag uruuris kale oo ay ku dhamaystiraan Villadan caqiibada leh, ee ay dhisan doonaan. Waxaa sidaa mar kale ku tagay 10 sano oo kale, waxaa uu inankiisii iyo gabdhiisiiba dhameeyeen dugsigii sare. Wiilkii waxaa uu jecleystey inuu barto dhakhtarnimada , meesha gabadhiina ay dalbatey jaamacada Culuunta Bulshada.

Odeygii waxaa uu dhiniciisa ugu danbeyn soo dhameeystirey lacagtii, kaasoo u safrey Greeka, halkaasoo uu qandaraas ku siiyey shirkad, taasoo sanad gudaheed Villa cad wagac uga siisey odeygii. Odeygii ayaa u baahdey uun lacag sanad ama laba ah uu ku aruuriyo oo uu aqalka alaabta la dhigayo ku furdaamiyo.

Islaantii ayaa iyadu sidii u ahayd guri-joogto aan Swedish baran, maadaama sidaa heshiisku ahaa. Inankii ayaa heley jaamacadii dhakhtarnimada, kaasoo sanadkii labaad ee uu odeyga aqalka Greeka ku yaaal goglayay, ay is-barteen gabadh Swedish ah kuwaasoo aakhir isu guurey .

Inankii sanad kadib waxaa u dhashey wiil, meesha inantiina aqalkii aabaheed ay ka guurtey oo aqal gooni ah degtey oo jaamacadeeda u dhow.

Odeygii baa aakhiritaan dhameeyey goglidii aqalka, gaareyna da’dii howlgabka ee Sweden, 65 jir. Odeygii iyo Islaanti ayaa laalaabtey boorsooyinkoodii, kuwaasoo u guurey aqalkii cadaa ee Greeka ay ka dhisteen, kuwaasoo rajaynayay inay caruurtuna ka soo daba guuraan.

Laba sano markuu sugayay labadii caruura ee waqtigan waaweynaadey, oo nolol u gooniya mid walba lahaadey, ayuu odeygii iyo xaaskisii dareemey cidlo xooga. Waxaa uu arki waayey caruurtiisii, sidoo kale waxaa uu aad u tebey ilmihii uu awowga u noqdey.

Odeygii wuxuu is-xejiyaba waxaa uu sanadkii sadexaad go’aansadey inuu dib ugu soo guuro Sweden, si uu uga ag dhowaado carurtiiisa, kireeyana aqalkiisii uu mudada dheer ku hamiyeyey inay ku wada noolaadaan isaga iyo caruurtiisa. Odeygii ayaa ku soo noqdey Sweden, aqal ijaar ahna ka galey meel u dhow inankiisa.

Labada Nooc Ee Ajaanibka

Gabdha qisadan nooga sheegtey ayaa noo sheegtey in odeyga mar walba oo ay aragto uu ku calaacalo sida uu waqtiga u dhayalsadey, isagoo wali niyada ku haya dalkiisii. Waxay gabadhani noo sheegetey in ajaanibka intii ay la shaqeyneysey, si kastooy dalka ku yimaadanba, ay ogaatey inay u kala baxaan laba nooc:-

Kuwo dalka marka ay yimaadaan boorsooyikooda gacmaha iyo kuwa qalbigaba dhigta. Kuwan ayaa isa siiya dalka ay yimaadeen, una diyaar garooba inay dalka wax ka lahaadaan, caruutoodana sidaa si le’eg u tababara. Waxay iska ilaawaan dalkii ay ka yimaadeen, kana dhigtaan dalkan cusub dalkoodii hooyo ama koodii hooyo ee labaad.

Nooca labaad ayaa ah kuwo dalkan duruufo xoog leh oo ku yimi darted u yimi, balse jeclaa dalkoodii. Kuwan ayaa boorsooyinkooda gacanta dhigta, laakiin boorsooyinkooda qalbiga wali u xirxiran.

Kuwan ayaa mar walba ku hamiya inay noqodaan ama ku noqon doonaan dalkoodii marka xaalku ka wanaagsanaado sida uu markaa ahaa. Kuwan ayaa in badan oo ka mida ka dhabeeyan, kuwaasoo hore ka noqda marka isbedel yimaado.

Balse kuwa kale ayaa waqitgu ku jiitamaa, kuwaasoo dhinacna aan ahayn. Kuwan ayaa bilaaba aqal dhis mudo qaata ama qaban qaabo aan go’aan culu ka danbeyn. Kuwan ayaa qorshaha ku darsan in sanad walba cimri u korayo caruurta ay hayaan, ama ay doonayaan sida hamigooda ah inay dalkooda hooyo ku korsadan.

Jismigaaga Iyo Qalbigaaga Hal Wadan Ma Wada Joogaan ?