Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Dhacdo Murugo Iyo Naxdin Leh Oo Ka Dhacday Mogdisha

Tuesday - August 4, 2009

Waxaa jirta in adduunka maalinba maalinta ka danbeysa lagu arko waxyaabo aad la yaabaysid... waxaan halkaan kugu haynaa dhacdo Murugo iyo naxidin leh oo ka mid ah dhacdooyinka badanaa ee ka dhacay Koonfurta Soomaliya Gaar ahaan Mogdisho.
 
Waxaynu ognahay in dagaaladii Soomaaliya ee qabiilnimada ku saleysnaa in laga kala guuray koonfurta, Reer walbana uu ku noqday meeshii uu aslahaan deegaan u lahaa.

Qisadan oo ay ku dhacday Nin Soomaali ah oo ahaa raggii ka qaxay caasimadi Mogdisha ayaa sheekadaan naxdinta leh qabsatay .... Ninkaas oo dib ugu noqday koonfurta Soomaliya gaar ahaan Muqdisho isaga oo damacsanaa inuu iska iibiyo guri uu lahaa oo ku yaalay xaafad ka mida Muqdisho isagoo ka maqnaa muddo gaareysa 18 Sano .
 
Markii uu soo cago dhigtay Magaalada Muqdisho isagoo ka yimi wadamada reer Galbeedka wuxuu si toos ah u abaaray Gurigiisii uu garanayay meesha uu ku yaalo.
 
Kolkii uu gaaray gurigii ayaa waxaa uu ugu tagay Reer dagan guriga wuxuuna meeshaas kula kulmay haweenay daganeed ilaa intii laga qaxay magalada Mugdisho.
 
Salaan iyo bariido kadib Ninkii oo waydiiyay gabadha guriga cidda leh iyo dadka hadda dagan cidda  ay tahay.
 
Haweenaydii oo u sheegtay guriga cidda leh oo tiri "annaga ayaa leh" iyado sheegtay qabiilkeedii oo tiri "waligay annaga ayaa daganeen oo dhisanay" .
 
Ninkii oo yaabay oo iska aamusay ayaa ku  yiri meeyay Odaygaagii?
 
Waxayna ugu jawaabtay oo tiri maxaad ku falaysaa Odaygayga ?

Wuxuu u sheegay inuu guriga leeyahay muddo dhan 18 Sanana uu ka maqnaa gurigiisa kana qaxay xabbad awgeed
 
Haweenaydii oo muran jeex-siinaysa ayaa tiri " waxaan kuugu yeeraya Odaygaygii si aad idinku isu fahantaan oo aad oga wada hadashaan hawshan guriga ah"
 
Oky ayuu ninkii ugu jawaabay Haweenaydii oo aaday suuqa si ay ugu yeero niman maafiyo mooryaan ah oo qaata lacag dadkana laaya ayay u sheegtay sheekadii, Waxayna u sheegtay inay dilaan lacagna ay siiso, Mafiyadii ayaa waxay la gorgor tameen haweenaydii una sheegeen halkii rasaaba inay tahay lacag .
 
Haweenaydii ayaa tiri 2 xabo ka badan ha ku dhufanina labadaas lacagtoodana anaa idiin haya waxayna u tilmaantay meesha uu fadhiyo ninku oo ay tiri waxa uu fadhiyaa Daaradda Guriga .
 
Mafiyadii mooryaanta oo doonaysa inay ninka dilaan ayaa soo gashay gurigii uu joogay, Balse nasiib daro waa meel ilaahay wax ka wadee Ninkii wuxuu aaday Musqusha isaga oo aan waxba ogeyn, booskii daaradda ahaana waxaa soo fariistay Aabeheed oo hurday markaa ay ka tagaysay 
 
Odayga Aabeheed wuxuu sugayay inta Musqusha laga soo baxayo wuxuuna moodayay inay gabadhiisyu ku jirto laakiin nasiib darro waxaa gurigi soo galay nimankii waxayna dileen Odaygii waxayna ku dhufteen 3 xabo oo rasaas ah .
 
Ninkii safarka ku yimi mar kuu maqlay rasaasta yuu musqusha ka soo booday oo dibada haleel ku gaaray. 
 
Dilka kadib haweenaydii oo doonaysa inay maydka iska soo saarto ayaa Nimankii Maafiyada Mooryaanta ahaa ku yiraaheen "Odaygii deg deg waa u dhiman-waayay oo labo ayaan ku dhufanay kadibna xabaddi 3aad ayuu ku dhintay waxaan rabnaa xabadda saddexaad lacagteeda"

Haweenaydii oo doonaysay inay u soo saarto lacagtii ayaa waxay la kulantay Aabeheed oo meyda intay naxdin qaylisay ayay tiri "alla Ba'ay oo Ba'ay Qofkanaad disheen maaha ninkii ee waa aabahay
 
Maafiyadii Mooryaanta ayaa ku tiri "annaga waxaad natiri Qofka daaradda fadhiya dila annana waan dilnay ee kharajka bixi" waxayna intaa raaciyeen "intaanan adigana ku dilin keen xabbada dhiman lacagteeda" waxayna dantu ku kaliftay inay bixiso lacagta oo dhan wayna bixisay.