Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Baaq Odayaasha Tanade " Dhibaato Wey Timaada Dhalasho Iyo Xigtana Waa La Yahay Ee Dhiig Islaam....."

Wednesday - August 5, 2009

Galkacyo: Waxgaradka iyo Odoyaasha Beesha Tanade Ee ku sugan gobolka Mudug Gaalkacyo ayaa shir ay qaateen xalay ay kaga digeen Fitnada hawada suluxsuluxeyneysa oo rabta iney geyigaas mudug shido iyo balaayo hor leh ka dhigto.

Odayaasha ayaa ka yaxyaxay la yaabna ku noqotay falalka noocaas ah iney magaalada ka dhacaan oo qof isagu aan wax galbasan caado noqotay in la iska dilo oo aan la xeerin diinta iyo sharafka shakhsiga muslinka ah, mana aha wixi sharci lagu heli karo in shanta xali looga dhigo, qabyaalad la heensadana marna ma keeneyso guul balse karaamo ayaa lagu seegin Naarna lagu quudan oo dhiig islaam ninki galana Aakhiraan cidi u dhaafeyne

Odayaasha oo diiday iney ka hordhacaan falka dilka lagu sameeyey mudane Warsame Cabdi Shirwac naxariiste Eebe ha siiye cida iyo shakhsiyaadka ka dambeeyey illa dawladu daliil cad u hesho   waxay nasteexo u gudbinayaan in falkaas cidi geeysatay reerku rabo ha noqde iney heshiis deg dega raadiyaan oo loo saaro nin aqoon leh Aw iyo Oday intaba, illen waa shido iyo hooge, waxayna xuseen in Qalad Qalad ka daba gee qalooc aan la saxikarin u dhalo" Two Wrongs Dont make a Right".... waana in runta laysu sheega oo aysan noqon Qofkii xqiiqada sheega fanta oo kale ama Deerki Maka gubay,Yaana qabiil difaac awgeed nabada mandiqada loo miineyn ayey hadalkoodi ku xuseen.

Odayaasha oo fariin Tacsi u diray Madaxweynaha Dawlada Puntlaand iyo qoyskii u ka tagay Marxuum Warsame Cabdi Shirwac waxay alla uga baryayaan Naxariis iyo ehelka oo samir alla siiyo "Inaalilaah Wainaa ilayhi Raajicuun" .